Raadinta
Goobta soo dhaweynta
Goob ku taalo xarunta qaabilaada ama hindisaha soo dhaweynta maxalliga ah ay Fedasil kuu xilsaartay adiga. Gudaha goobta soo dhaweynta waxaad xaq u leedahay meel aad seexato, cunto, taageero, iwm.
Turjumaan la xaqiijiyay
Turjumaan ku maray dhaar xirfadeed gudaha maxkamad. Turjumaankan ayaa loo oggol yahay inuu turjumo dukumiintiyada rasmiga ah oo ku dhajiyo shabad gaar ah, saxiix iyo dhaar caddaynayso saxnaanta.
Xarunta soo-galootiga
Xarunta ku taala Brussels taasoo dadka ka diiwaangeliyaan codsigooda magangelyada caalamiga ah (codsiga magangelyo) gudaha Biljimka.
Tallaal
Tallaalku waxaa ku jira qayb ka mid ah fayraska laftiisa. Markaan tallaalno dadka, waxaan u gudbinaa qayb ka mid ah fayraska jirka bini'aadamka, badanaa iyadoo cirbad la adeegsanayo. Ku duri qayb ka mid ah fayraska jirkaaga waxay ka dhigeysaa inay abuurto difaaca jirka ee fayraska.
Jinsi
Waxaa loola jeeda jinisga bulshada ee qofka. Sida aad u dhaqmayso qof ahaan ama waxaa dadka kale ay ka filyaan adiga. Jinsiga waa la beddeli kara iyo waqti kala duwan, boodks iyo dhaqamada. Jinsiga gaaga ma wax aan beddeli karin ama la hagajin karin. Waa kala duwan iyo dabacsananta.
Nooca galmada
Nooca galmada waa waxaad tahay dareen ahaan/galmoahaan ku soo jiitada ama gabi ahaan ku soo jiidanin.
Hoy
Goob laga helo gabaad ku-meel-gaar ah marka ay jiraan cimilo xun ama khatar.
Lifaaqa 26 (shanle ah)
Dukumeentiga aad ka heshay Xafiiska Socdaalka ka dib markaad gudbiso codsigaaga magangelyada caalamiga ah.
Qareenka dadweynaha
Qareen aadan u baahneyn inaad lacag siiso. Waxaad ka heli kartaa qareenka dadweynaha adigoo buuxinayo shuruudaha qaarkood. Codsadeyaasha magangelyada caalamiga ah waxay xuquuq u leeyihiin qareenka dadweynaha ee habraacooda magangelyo.
Dawladda hoose
Dawladda hoose, CPAS/OCMW iyo booliska si wadajir u ah maamulka deegaanka. Waxaad u aadi kartaa dawladda hoose arrimaha maamulka; diiwaangelinta dhalashada ama guurka, ama iska diiwaangelinta dawladda hoose, iwm.
Gudaha xarunta qaabilaada, magangelyo-doonka way ka wax cuni, dhaqan iyo seexan karaan.
Magangelyo-doon kasta wuxuu ka helayaa caawimaad shaqaalaha bulshada.
Waxaad heli doontaa tikid tareen ama bas si aad u tagto goobtaada soo dhaweynta.
Waxaad gudbin kartaa codsiga xiga ee magangelyada caalamiga ah haddii codsigaaga koowaad la diiday. Kaliya gudbi codsiga xiga haddii ay jirto sabab cusub ama haddii xaqiiqooyin cusub ay soo baxeen ka dib markii codsigaaga koowaad la diiday.
Maalinta aad gaarto 18 jir waa xilli muhiim u ah noloshaada. Markaan ma tihid ilmo yar oo aan la wehlin oo midaan waxaay cawaaqib u keenaysaa habraacaaga deganaansho iyo qaabilaadaada gudaha Biljimka.
Marka lagu daro nidaamka magangalyo, waxaa jira habraac degenaansho khaas ah oo loogu talagalay ilmaha yar ee aan la wehlin. La tasho mas'uulkaaga hadduu habraacani yahay fursad kuu diican adiga
Inta lagu jiro habraacaaga magangelyo, uma safri kartid dibbada. Marka lagu siiyo aqoonsi qaxootinimo, mar dambe waad safri kartaa, laakiin uma safri kartid wadankaaga asalka ah.