Raadi guri kiro ah
Ka dib marka laguu aqoonsado qaxootinimo, waxaad haysataa 2 bilood si aad u hesho guri aad leedahay. Waqtigaas ka dib, waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada ama guriga ay leeyihiin CPAS/OCMW.
Haddii aadan weli helin guri ka dib 2 bilood, Fedasil waxay muddadan kordhin kartaa ugu badnaan 4 bilood.
Diyaarso dukumeentiyadaada
Ka hor inta aadan bilaabin raadinta guri aad leedahay, hubso in dhammaan dukumeentiyadaada diyaar kuu yihiin.
- Kaarka aqoonsiga elektaroonik ah (A)
- Koonto bangi iyo kaarka bangiga
- Caymiska caafimaadka
Waxaad u baahan tahay dukumiintiyadan si aad u gabagabeyso heshiiska kirada.
Meeqo ayaad ka bixin kartaa guri?
- Waxaan kugula talin laeyn inaad u isticmaasho sadex ka meel hal meel dakhligaaga guri gaaga. Ha u isticmaalin in ka badan kala bar dakhligaaga kiro!
Hel guri
Waad raadsan kartaa guri.
- Suuqa gaarka ah: iyadoo loo marayo wakaalada dawladda ama saaxiibo, ama dad aad is-barateen ama tabbaruceyaal kaa caawin kara inaad mid hesho.
- Suuqa bulshada: Xafiis Bulsheed Kireysan (SVK/AIS) ama Shirkadda Guriyeynta Bulshada (SHM/SLS) waxay siiyaan guryo dadka u baahan guri.
Sameeyso ballanta wixii booqasho ah
- Hubi in guriga xaaladiisa fiican tahay. Ma leeyahay daarad bannaan oo ku filan? Ma jiraan meelo biyaha soo daadiyo? Ma leeyahay biyo, kululeyn iyo koronto? Ma yahay guriga meel ammaan u ah qoyskaaga?
Soo gunaanad heshiiska kirada
- Mulkiilaha iyo adiga (kireystaha) waa inaad saxiixdaan heshiis kiro.
- Milkiiluhu wuxuu weydiisanayaa hal carbuun kiraystaha. Carbuunta waxay u dhaxeysaa kirada 1 iyo 3 bil. Waxaad weydiisan kartaa CPAS/OCMW inay sii bixiso carbuunta, balse waa inaad dib u bixisaa caddadan.