Raadinta

Shahaadada caafimaadka

Shahaadada caafimaadka waxaa qora dhakhar ka dib baaritaanka caafimaadka. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay shahaadada caafimaadka ama waxaad u isticmaali kartaa shahaadada caafimaadka inaad xaqiijiso cadeyntaada ama xaqiiqooyinka qaarkood.

Qareenka

Qareenka waa qof ku siin kara talo ku saabsan habraaca magangelyadaada iyo habraacyada kale ee sharciga ah. Qareenka wuu ku matali karaa wuxuuna kugu difaaci karaa gudaha maxkamadda.

Luuqadaha bulshada

Biljimka waxaa u sugnaaday saddex luuqadood oo rasmi ah: af Holland, Faransiis iyo Jarmal. Biljimka wuxuu ka kooban yahay 3 luuqado bulsheed: Bulshada ku hadasha af Holland, Bulshada ku hadasha af Faransiiska iyo Bulshada ku hadasha af Jarmalka.

Golaha Dawladda

Waxaad rafcaan ka dhan ah go'aanka Golaha Dacwada Sharciga Shisheeyaha (RvV/CCE) ka qaadan kartaa Golaha Dawladda. Golaha Dawladda kaliya waxay hubiyaan inay RvV/CCE ay u hoggaansameen dhammaan shuruudaha sharciga ah. Nuxurka kiiska lama qiimeyn doono.

Baarlamaanka ama Golaha Sharci-dejinta

Baarlamaanka waxaa doorta muwaadiniinta Biljimka wuxuuna ka cayaaraa door muhiim ah qorida iyo meelmarinta sharciyada.

Sharciyeyn

Habraac lagu hubiyo asalka dukumentiga. Sharciyeynta waa hubinta rasmiga ah in saxiixa  iyo shaambada ku taalo dukumentiga ay dhab yihiin.
Sharciyeynta waxay la xiriirtaa qaabka dukumiintiga, laakiin ma xaqiijiso waxa ku qoran ay sax yihiin. 

Guurka qasabka ah

Guurka ka dhaxeeya laba qof kaasoo ugu yaraan hal qof uusan si xor ah oo buuxda u oggolaan guurka. Sida kale haddii loo dhigo, guur xoog iyo handadaad ah. 

Gudniinka fircooniga

Gudniinka fircooniga wuxuu daboolaa dhammaan noocyada jarrida ama goynta xubnaha taranka dumarka iyadoo aysan jirin baahi caafimaad.

Amarka lagaga baxayo dalka (BGV/OQT)

Haddii aad ku joogtid si sharci-darro ah Biljimka, waxaad laga yaabaa inaad hesho amar aad kaga baxdo dalka Biljimka (BGV/OQT). Haddii lagu siiyo BGV/OQT, waa inaad ka baxdaa Biljimka si aad ugu laabato waddankaaga asalka ah, ama waddanka aad ku leedahay xuquuq deganaansho. Waa inaad ka baxdaa dalka waqti cayiman. Ka dib waqtigan, waa in si qasab ah lagaaga saaraa.

Ruqsada deganaanshaha

Ruqsad qofku ay tahay inuu haysto si uu ugu noolaado waddan uusan ka ahayn muwaadin. Waddamada intooda badani waxay ku soo rogaan xayiraad sharci ah dadka ajnebiga ah oo doonaya inay degaan ama ka shaqeeyaan gudaha dalkooda.