Ku shaqeynta mutadawacnimo
Codsadaha magangelyada caalamiga ahaan, waxaad ku shaqeyn kartaa mutadawacnimo. Tani waa hab wanaagsan oo loola kulmi karo dad cusub, loo barto luuqada iyo loo faa'ido waayo-aragnimo cusub.
Waa maxay shaqo mutadawacnimo?
Haddii aad dadka kale u caawiso iyadoo aad ka helayn faa'iido gaar ah, si iskaa-wax-u-qabso oo lacag la'aan ah, markaa waxaa loo yaqaannaa mutadawacnimo. Mutadawac ahaan
- Ma kasbaneysid wax lacag ah. Mararka qaarkood waxaad helaysaa khidmad mutadawacnimo oo yar
- Waxaad ka shaqeyn goob ka baxsan qoyskaaga ama agagaarka saaxiibadaada
- Ma haysatid wax heshiis shaqo ah. Waxaad si kastaba ha ahaatee codsan kartaa heshiis mutadawacnimo.
Tusaalooyinka shaqada mutadawacnimo:
- ka caawinta carruurta shaqada dugsigooda
- ku tababarida da' yarta naadi isboorti
- taageerida dadka waayeelka ah ama dadka naafada
- ka caawinta hay'ada riwaayad ama waxqabad.
Waxa suurtagal ah in hay'ada aad mutadawiciinta ugu shaqeynaysid ayaa bixin doonto lacagta tbaska, taraamka ama tikidka.

Tabarucaada
Waxa suurtagal ah in hay'ada aad mutadawiciinta ugu shaqeynaysid ay bixin doonto lacagta baska, taraamka ama tikidka.
- Waa inaad ugu yaraan ahaataa 15 sano jir.
- Waa inaad gudbisay codsiga magangelyada caalamiga ah
- Ama aad xaq u leedahay qaabilaad (aad degantahay xarunta qaabilaadda)
Muuqaal Tabbarucaad. Guji dusha "cc" si aad u badashid luqadda dhigaal-hoosaadyada