Raadinta
Habraaca magangelyada
Habraac ku saabsan codsiga magangelyada caalamiga ah. Dhammaan tallaabooyinka aad marayso si aad u hesho magangelyada caalamiga ah: buuxinta foomamka, wareysi(-yada), sugida jawaab-celinta.
Nidaamka siyaasadeed
Habka waddan loo maamulo. Xaaladda siyaasadeed ee cadaadiska, dadku ma dhihi karaan waxa ay rabaan. Wargeysyada, kuma qori karaan waxa ay rabaan. Haddii aysan u fikirin ama dhihin waxa ay dhahayaan hoggaamiyeyaasha waddanka, waxay ku dambeyn karaan xabsi ama xitaa waa la dili karaa.
Celinta qasabka ah
Hadduu muwaadin ajnebi ah uusan u hoggaansamin amarka uu kaga baxayo dalka, isaga ama iyada waxaa laga yaabaa si qasab ah in looga saaro. Si loo sameeyo dib-u-celinta, qofka ajnebiga ah waxaa loo wareejin karaa xarun xabsi ama dhismo la degaan yahay.
Sharci ka dhuumasho
Inaad (si ku-meelgaar ah) is qariso. Xafiiska waaxda socdaalka wuxuu u arkaa falal kala duwan inay yihiin qaab ka mid ah 'sharci ka dhuumasho'.
Booliska
Booliska waa adeegayaal ka tirsan dawladeed. Boolisku wuxuu ilaaliyaa kala damebynta dadweynaha iyo amniga, wuxuu baaraa fal-debiyeedyada wuxuuna bixiyaa kaalmo.
Xarumaha Hagista Ardayga (CLB / PMS)
Xarunta hagista ardayga waxay ka kooban tahay koox dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, cilmi-nafsi, barbaariyayaal iyo shaqaalaha bulshada ah. Dugsi walba wuxuu la shaqeeyaa CLB/PMS.
CLB/PMS waxay mas'uul ka yihiin kormeerka dugsiga caafimaadka, balse waalid ama arday ahaan waxaad sidoo kale u doonan kartaa halkaas caawimaada lacag la'aan ah ee dhib ku qabida waxbarashada, cilmi-nafsiga iyo dhibaatooyinka bulsheed. Haddii aad qabto su'aal, waxaad waydiin kartaa adigoo inoo soo maraya dugsiga ama si toos ugu soo aadinayo CLB/PMS.
Jago bannaan
Shaqo laga heli karo shirkad, urur ama adeeg bulsho oo u furan shaqo doonka. Jagooyinka bannaan waxay ka soo muuqdaan xayaysiinada wargeysyada, daaqadaha hay'adaha shaqaaleynta ku-meelgaarka ah iyo internet-ka.
Dhakhtarka Guud (GP)
Dhakhtar aan ka dhex shaqeynin isbitaalka oo aan ku takhasusin laan gaar ah oo ka mid ah caafimaadka. Dhakhtarka guud waa qofka ugu horeeyo ee lala kulmo haddii aad jirran tahay ama aad qabto dhibaato caafimaad.
Aroos dhayal ah
Aroos kaasoo ugu yaraan hal lammaane kaliya wax u guursado inuu ka helo xuquuq deganaansho waddan oo uusan u guursan inuu la noolaado qofka kale.
Heshiiska wada-noolaanshaha
Heshiiska wada-noolaanshaha waa heshiis ka dhaxeeyo laba qof ama ka badan kuwaasoo wadaago qoys.
Haddii aadan helin goobta soo dhaweynta kadib isdiiwaagelinta xafiiska socdaalka, waxaad iska diiwaangelin kartaa liiska sugitaanka. Inta laga gaarayo mudadas, waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo gargaarka sharciga.
Magangelyo doonadu helo sharciga qaxootinimo waxay sii joogi karaan Biljimka.
Magangalya doonada ayaa heli karo lacagta qaar haddii ay caawiyaan shaqaalaha xarunta soo dhaweynta.
Dadka imaanaya gudaha Biljimka waxay halkaas ka codsan karaan magangelyo. Codsashada magangelyo waa codsashada badbaadin waayo noloshaada ayaa ku jirta halis gudaha waddankaaga asalka ah.
Codsashada magangalyada gudaha Belgium haddii aad samaynayso, waxaad codsanaysaa inaad joogto dhulka Belgian sababtoo ah naftaada ayaa halis lagu galiyay dalkaagii asalka aad u dhalatay.
Miyaadan xuquuq u laheyn qaabilaad oo ma raadinaysaa meel aad seexato oo ku taalo bay'ad ammaan ah? Hay'ado kala duwan oo ku sugan Biljimka ayaa siiya caawimaad iyo hoy dadka u baahan.
Haddii aadan joogin xarunta qaabilaada inta lagu jiro qiimeynta codsigaaga magangalyo, ma heli doontid wax Taageero maaliyadeed ah. Waxaad xaq u leedahay gargaar caafimaad.
Gudaha Biljimka, waxaa aad muhiim u ah inaad wakhtiga laasinto. Dadka Biljimka ah waxay kaa filayaan inaad tookadaada sugto, haddii ay tahay inaad sugto.
Waqtiga kuleelaha waa kuleel Belgium iyo dadka waxay ka raadiyaan caajis baxsi biyaha. Kaliya ku dabaalo meesha ay joogaan badbaadiyaha oo ha gelin biyaha haddii aadan dabaalan karin.