Raadinta
Dastuurka
Dastuurka Biljimka waa sharciga uu ka kooban yahay mabaadi'da aasaasiga ah ee Dawladda Biljimka. Wuxuu ka kooban yahay dhammaan xuquuqaha aasaasiga ah.
Habraac dhamaaday
Codsadeyaasha magangelyada caalamiga ah waxay heli karaan jawaab-celin diidmo ah ee codsigooda magangelyada caalamiga ah. Haddii, ka dib rafcaanka, jawaab-celintu ay wali tahay diidmo, qofka ajnebiga ah habraaca wuu u dhamaaday oo waa inuu ka baxaa dalka Biljimka.
Baaritaanka sharciga ah
Baaritaanka sharciga ah wuxuu daboolaa dhammaan tallaabooyinka lagu aqoonsado dadka gaysta dembiyada wuxuuna soo ururiyaa cadeyn. Baaritaanka sharciga ah waxaa hoggaamiyo garsooraha baaritaanka. Ka dib baaritaankan, maxkamadda ayaa go'aan ka gaarta kiiska.
LGBTQIA+
LGBTQIA+ waxaa loo soo gaabiyay leefto, qaniis, labo jinsiile, iska kaariko, jinis aan loo dhalanin, labeeb iyo caniin. + waa loo jeeda dhammaan aqoonsiyada jinsiga kale iyo noocyada galmada aan weli la sharxin.
Ilmo yar oo la wehliyo
Qof ka yar da'da 18 jir kaasoo ay whliyaan waalidkiisa ama mas'uulkiisa sharciga ah.
Ilmo yar aan la wehlin
Ilmo yar aan la wehlin (UFM). Qof ka yar da'da 18 jir kaasoo imaada Biljimka waalid ama mas'uul (sharciyeed) la'aan.
Dembi ku oogid
Haddii uu qof ku galo dembi gudaha Biljimka, dembi ayaa lagu soo oogaa. Taas macnaheedu waa in qofku ay booliisku su'aalaan, waana in uu hor yimaadaa maxkamadaha. Waxaa lagu xukumaa lacag ganaaxaa ama ciqaabaa.
Qof lagu kalsoon yahay
Qof aad ku kalsoon tahay oo kula shaqeeya isagoo adeegsanayo awoodiisa xirfadeed (dakhtarka cilmi-nafsiga, macallinka, shaqaalaha bulshada, iwm.).
Joogteynta caafimaadka (9ter)
Waxaad codsan kartaa joogteynta caafimaadka haddii aad si aad ah u jirran tahay iyo haddii daaweynta aad u baahan tahay la heli karin ama laga helin waddankaaga. Joogteynta waxay xaq kuu siinaysaa xaaladda deganaansho oo ku-meelgaar ah gudaha Biljimka. Waxaad u baahan tahay shahaado caafimaad oo gaar ah si aad u bilowdo habraacan.
Sharci-darro
Qof jooga waddan bilaa dukumentiyo ansax ah waa qof aan lahayn sharci deganaansho. Dadka qaarkood waxay leeyihiin dukumentiyo aan marnaba ansax aheyn, kuwana maba midna maba lahan.
Magangelyo-doonka waxay codsan karaan dhkhtar kaalmeeyo.
Magangelyo-doonka waxay helaan sariir, cunto, kaalmo bulsheed iiyo kaalmo caafimaad.
Fedasil ayaa ku siinaysa goob soo dhaweyn inta codsigaaga magangelyada laga qiimeynayo.
Safarka waxaa qabanqaabiya Fedasil iyo Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).
Mararka qaarkood, magangelyo-doonka way ama waa inay beddeshaan goobta soo dhaweynta.
Magangelyo-doonka qaarkood looma arko inay yihiin qaxooti balse waxay helaan "magangelyo hoose".
Haddii aad timaado Biljimka adigoo ilmo yar oo la wehlin ah, dawladda ayaa hubin doona inaad hesho bay'ad ammaan ah. Booliska ama adeegyada magangelyo ayaa ku geyn doona xarun qaabilaad. Xitaa haddii aadan codsan magangelyo, waxaad xaq u leedahay goob ammaan ah aad ku noolaato.
Miyaa laguu aqoonsaday qaxootinimo oo ma ka weyn tahay 16 jir? Markaa waxaad codan kartaa inaad kaligaa noolaato.