Raadinta
Codsashada lacag-bixinta (dalabka)
Haddii aadan joogeyn gudaha xarunta qaabilaada inta lagu jiro habraaca magangelyo, waa inaad ka codsataa Fedasil waajibaadka lacag-bixinta, (dalabka) ee kharashka caafimaadka loogu talagalay booqashadaada dhakhtarka.
RIZIV / INAMI
Mac'hadka Qaranka ee Caymiska Bukaanka iyo Naafada waa hay'ada dawladeed ee sugnaanta bulshada.
Aagga go'doominta
Qol ama dariiq ku yaala xarunta qaabilaadda kuwaasoo dadka lagu gooni yeelo ugu yaraan 7 maalmood. Dadka ku sugan aagga go'doominta ma aha inay is taabtaan degganeyaasha kale ee xarunta qaabilaadda. Go'doominta (gooni-ahaanshaha) waa lama huraan si looga hortago inay dadka kale jirradaan iyo si loo joojiyo sii faafida korona fayras.
Raadraacida xiriirka
Qorida liiska dadka taabatay qofka qaba cudurka korona fayraska. Dadkaan waa la ogeysiin doonaa inay taabteen qof cudurka qaba iyo inay tahay in ay fiiro gaar ah u yeeshaan nadaafadda shaqsiyeed. Sidan, qof kasta ayaa gacan uga geysan kara dagaalka ka dhanka ah cudurka korona fayraska.
Lambarka qaranka
Lambarka qaranka waa lambarka aqoonsi oo qaar ah (11 tiro) oo loogu talogalay in looga diiwaangeliyo dadka Biljimka. Qof walba wuxuu leeyahay dukumentiga aqoonsiga dhalashada Belgium ama dukumentiyada degnaanshaha oo leh lambarkan. Lambarka wuxuu ku dul qoran yahay lifaaqa ee xafiiska socdaalka iyo shahaadada nidaamka heerka diiwaangelinta (kaarka oranjiga).
Laga roone/Qaniiska
Marka qofka dareen ahaan/galmo ahaan u soo jiito dadka ay isku jinsigooda ah. Raga iyo haween ayaa noqon karaa qaniis noqon kara.
Aqoonsiga jinsiga
Aqoonsiga jinsigaaga waxaa loola jeeda sida aad gudaha ka dareemayso. Dareenka gudahaaga ayaa noqon karta raganimada, dumarnimada, labadooda ama midkood. Marka qofka uu dareemayo labada lab iyo dhedig ama midkood, qofka waxaa loo aqoonsan karaa sida midkood-aheyn. Marka qofka uu dareemayo labada lab iyo dhedig, sidoo kale dareemayo lab ama dhedig waxaan uga yeerna jinsi aan loo dhalanin. Labeeb dadka dareemaya jinsi ahaan inay ku dhalanin inaysan u ekayn sida ay isku aqoonsan yihiin, dhaqankooda iyo dareemidooda.
Magangelyo
Magangelyada caalamiga ah. Badbaadinta ay siiso dawladda qof ka soo tagay dalkiisa hooyo qaxootinimo ahaan.
Bixitaan
Ficilka tegitaanka, gaar ahaan si aad u bilowdo safar.
Shaqaalaha bulshada
Shaqaale ka tirsan xarunta qaabilaada ama CPAS/OCMW oo ku siinaya macluumaad oo ku wehlinaya inta aad ku sugantahay xarunta qaabilaada ama guriga CPAS/OCMW. Waxaad waydiin kartaa shaqaalaha bulshada su'aalo ku saabsan habraacaaga, joogitaankaaga Biljimka iyo ku noqoshada waddankaaga.
Haddii laguu aqoonsado qaxootinimo oo aadan weli heysan dakhli aad ku kireysato guri oo aad is masruufto, waxaad weydiisan kartaa caawimaad CPAS/OCMW.
Markii aad aad ku wada nooshihiin dad badan hal dhismo, waxaa jiro fursada aad ku qaadid cudurka faafa, sida cuncunka maqaarka.
Magangelyo-doonka waxay codsan karaan caawimaad turjubaan. Waxaa loo turjumayaa macluumaadka luuqad magangelyo-doonku fahmo.
Magangelyo-doonka way ka qaybgeli karaan waxqabadyada, gudaha iyo dibedda xarunta qaabilaada labaduba.
Magangelyo-doonka waxaa la siiyaa dhar iyo alaab (saabuun, daawada cadayga, iwm.).
Haddii aad tahay ilmo yar oo aabe ama hooyo la'aan jooga Biljimka, waxaa laguu xilsaari doonaa ma'suul.
Magangalyo-doonka helay go'aan diidmo ah ayaa wali joogi kara qaabilaada muddo 30 maalmood ah si ay ugu diyaargarowaan ka bixitaankooda Biljimka.
Waxaad ka soo qaxday wadankaaga asalka ah iyadoo ugu wacan tahay inaad ka cabsaneyso in lagugu samayn doono gudniinka fircooniga. Waxaad codsan kartaa magangelyo caalami ah gudaha Biljimka.