Raadinta
RvV/CCE
Golaha Dacwada Sharciga ee Shisheeyaha. CALL/RvV/CCE waa maxkamad maamul oo madax bannaan taasoo aad ka qaadan karto rafcaanka go'aanka Xafiiska Socdaalka iyo CGVS/CGRA.
Heshiiska Caalamiga ah ee Geneva
Heshiiska Qaxootiga (1951) waxaa saxiixay 150 waddan, uu ka mid yahay biljimka. Markii la saxiixay heshiiska, waddamadan waxay ballanqaadeen in ay ilaaliyaan qof kasta oo aan lagu badbaadin waddankiisa. Iyadoo lagu saleynayo heshiiskan, qofka ayaa loo aqoonsan karaa qaxootinimo. Qaxootiga waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda: waa inay joogaan meel ka baxsan waddankooda, waa inay leeyihiin sabab ay uga cabsanayaan handadaad ayna awoodin ama aysan rabin inay ka dalbadaan badbaadin dalalkooda.
Go'aan wanaagsan
Helista jawaab-celinta codsiga magangelyada caalamiga ah (codsiga magangelyada). Haddii laguu aqoonsaday qaxootinimo ama aad heshay magangelyo hoose. Waxaad leedahay xuquuq deganaansho.
Masaafuris ama Tarxiil
Haddii aadan haysan deganaansho sharci ah, waddanka wuu ku masaafurin karaa. Waxaa laguu celin doonaa waddankaaga asalka ah ama waddan kale oo aad si sharci ah u degi kartid.
Wareysiga
Dhageysi dacwo ama la-talin shaqsiyeed. Haddii aad soo gudbisay codsiga magangelyada caalamiga ah, waxaa lagugu martiqaadi doonaa wareysi, marka hore Xafiiska Socdaalka kadibna CGVS/CGRA. Inta lagu jiro wareysiga, waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo ay tahay inaad uga jawaabtid si buuxda iyo sida ugu ixtiraamka badan.
Sharciga ama Xeerka
Xeerarka waa sharciyo qoran kuwaasoo ka mid ah sharciga guud. Qof kasta ee ku sugan Biljimka waa inuu ku dhaqmaa sharciga. Maxkamadaha ayaa hubiya in loo hoggaansamo sharciyada.
Soo-galooti ama muhaajir
Qof ka taga waddan si uu ugu noolaado waddan kale. Erayga 'soo-galooti ama muhaajir' waxaa inta badan loo adeegsadaa dadka aado dal kale si ay uga shaqeeyaan.
Magangelyada hoose
CGVS / CGRA ayaa ku siiya magangelyo hoose haddii aad halis dhab ah ugu jiro waxyeello daran marka aad ku laabato waddankaaga asalka ah oo aadan isku halayn karin magangelyada wadankaas.
Qofka hela magangelyo hoose waxa la siiyaa ruqsad deganaansho oo ku xaddidan muddo 1 sano ah. Midaan waa la kordhin karaa laba jeer min 2 sano ah. Waxaad heli deganaansho joogto ah ka dib 5 sano, haddii aysan CGVS/CGRA kaala noqon xaaladaada inta lagu jiro muddadan.
Rafcaan
'Rafqaan qaadasho' macnaheedu waa in qofka diiday go'aanka, tusaale ahaan go'aanka adeegyada magangelyada (CGVS/CGRA ama Xafiiska Socdaalka). Magangelyo-doon badan ayaa midaan sameeya marka loo sheego inaysan sii joogi karin gudaha Biljimka.
Joogteynta bini'aadanimadda (9bis)
Midaani waa habraac aan caadi aheyn. Waxaa la isticmaalaa marka aadan u qalmin habraac deganaansho oo kale, balse aad weli haysato sabab aad ku degi karto Biljimka. Waxaad u baahan tahay dukumeentiga aqoonsiga si aad u bilowdo habraacan. Habraaca wuxuu kacayaa €350 qof kasta oo qaangaar ah oo ku jira kiiska.
Gudaha Biljimka, waxaa qasab ah inaad qaadato caymiska caafimaadka. Haddii aad jirran tahay, sanduuqa caymiska caafimaadka ayaa bixiya qayb weyn oo ka mid ah kharashka caafimaadka. Haddii aadan awoodin inaad shaqeysid iyadoo ugu wacan tahay jirro ama shil, waxaad heli doontaa magdhow dhaqaale kuu beddelo mushaarkaaga.
Ma qabtaa dhibaatooyin caafimaad oo laga yaabo inay adkayn karaan wareysiga? Kala hadal arrintan shaqaalahaaga bulshada.
Gudaha Biljimka, waxaa ka jira sharciyo khuseeya dhammaan degganeyaasha, kuwani waa xeerar. Ma jiro diin dawladeed oo soo rogta xeerar.
Biljimka waa boqortooyo madax uu ka yahay boqor. Boqorka wuxuu leeyahay awood siyaasadeed oo xaddidan, balse waa calaamad adag dalku leeyahay.
Gudaha Biljimka, degganeyaasha waxay ku hadlaan af Faransiis, Holland ama Jarmal, iyadoo ku xiran tahay gobolka ay ku nool yihiin. Saddexda gobol ee kala duwan waxaa loogu yeeraa bulshooyin.
Ma heshay shaqo mushaar leh? Si wadajir ah adiga iyo shaqo-bixiyahaaga, waa inaad saxiixdaan heshiiska shaqada. Sidoo kale u sheeg shaqaalahaaga bulshada, kuna biir barnaamijka caymiska caafimaadka.
Laanqayrta Cas ayaa kaa caawinaysa raadinta xubnaha qoyskaaga Laanqayrta Cad waxay iskaashi la sameeysaa hay'adaha kale Laaqayrta Cas iyo Bisha Cas ku sugan dunida oo dhan, oo ku leh wakiilo gaar ah goobaha colaadeed.