Ma ku noolid xarunta qaabilaada waxaadna u baahan tahay gargaar caafimaad
Ka magangelyo-doon ahaan oo ku nool Biljimka, Waxaad xaq uleedahay daryeelka caafimaadka. Halkee aadi kartaa? Wa maxay waxa inaad fiiro gaar ah u yeelatid?
Hadii aad ubaahan tahay dhakhtar ama daawo, oo aad kunooleen xarunta qaabilaada, taalabada oguhoreyso waa inaad balan kaqabsatodhakhtarka guud (GP). Waxaad ka heli kartaa dhakhtarka guud magaalo walba ama balad walba.
Dhaqtarka guud (GP) ayaa kuujooga:
- Hadii aad ubaahan tahay caawimaad jiro awgiis ama shil kadib
- Hadii aad ubaahan tahay caawimaad dhanka dhakhtarka cilmi nafsiga
- dawagal caafimaad ahaan, tusaale. Hadii aad macaan qabtid ama aad uur leedahay
- si lagugu gudbiyo dhakhtar ama isbitaal kuu dhow
- si aad oga hesho talaalo iyo daawooyin
Dhakhtarka guud (GP) ayaa kuu heyn doona Diiwankaga caafimadka guud adiga. Waa inaad ogolaato arinkan. Diiwaankaaga caafimaadka guud wuxuu kakooban yahay dhamaan macluumaadka kusaabsan caafimaadkaaga. Dhakhtarka guud (GP) ayaa sidoo kale sharxi doonaa sida nidaamka daryeelka caafimaadka ee Biljim u shaqeyo.
Balan kaqabsashada xafiiska dhakhtarka guud (GP)
Wa inaad marka hore sameysataa balan (taariikh ama waqti) kahor inta aadan utagin dhakhtarka guud (GP). Waxaad taas kusameen kartaa webseet ama aalad. Waxaad sidookale wici kartaa xafiiska dhakhtarka guud (GP).
Waqtiga lagu gudo jiro latashiga, dhakhtarka guud (GP) aya suaalo kuweeydiin doono, ku baari doono wuxuuna kuu qori doonaa daawo hadii loo baahdo. Dhakhtarka guud (GP) wuxuu aqoon u leeyahay dhamaan noocyada cudurada.
Wax walba oo aad dhahdo inta lagu jiro wada latashiga waa qarsoodi. Dhakhtarka guud (GP) waxaa ku waajib ah Xajinta sirta mana lawadaagaayo macluumaadkaaga ogolaansho laantada.
KadibLatashiga, Dhakhtarka guud (GP) ayaa go’aamin doona habka ogu fiican ee laguu caawin karo iyo hadii aad ubaahan tahay daawo. Dhakhtarka guud (GP) ayaa lagayaaba inu go’ansado inuu kuu gudbiyo isbitaal ama dhakhtar takhasus ah.
Balan isbitaal
Dhaqtarka ama kalkaaliyaha ayaa lagayaaba ineey kuu gudbiyaan isbitaal si uu kuubaaro dhakhtar takhasus ah ama si laguu seexiyo isbitaalka. Waaxa kalo suurto gal ah inaad adiga balan kaqabsato isbitaalka.
Ogeeysii isbitaalka hadii aad ubaahan tahay turjumaan waqtiga lagu guda jiro latashiga.
Maalinta aad iska diiwaan galineeyso isbitaalka waa inaad laimaataa warqada soogudbinta dhakhtarkaaga iyo kaarkaaga orenjiga ah, annex 26 ama dukumeenti kale oo aqoonsi ah.
Isbitaalka ayaa marka hore hubin doona inaad xaq uleedahay daryeelka caafimaadka ee aad ubaahan tahay ka yimaada Fedasil. Qaar kamid ah daryeelka caafimaadka wexey ubaahan yihiin ansixinta dhakhtar kasocda Fedasil kahor caafimaadka dowlada Hay’ada CAAMI-HZIV ayaa dib ubixin doonta kharashaadka. Waxaad isticmaali kartaa Foomka onleeynka tani (waxa lagaheli karaa luuqado kala duwan).
Kadib ansixinta Fedasil, Hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV waxay toos u siin doontaa kharashaadka caafimaadka isbitaalka.
Fadlan ogoow: Kharashaad dheeraad ah, tusaale kharashaadka qol gaar ah ma ansixin doonto Fedasil.
Hadii aad awoodin inaad kasoo qeyb gasho balantaada, waa inaad isbitaalka lasocod siisaa sida ogu dhaqsiyaha badan. Hadii aad lasoo socod siin weeyso, waa inaad bixisa kharashka seegida latashiga. Iskana hubi inaad ku timaado balantaada waqtigeeda!
Kharashaadkaaga caafimaad
Fedasil ayaa bixin doonta inta badan kharashaadkaga caafimaadka. Kharashaadka isbitaalka iyo Farmashiyaha, Fedasil wexey lashaqeeysaa dowladaHay’ada caafimaadka ee CAAMI-HZIV.
Booqashada isbitalka iyo Farmashiyaha uma baahnidWarqad gudbin ah (codsiga lacag bixinta) ee Fedasil.
Booqasho kabaxsan isbitaalka oo aad kutageeyso dhakhtarka guud (GP) ama midkale sida Bixiyaha daryeelka caafimaadka, sida dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka jimicsiga iyo cilmi nafsiga, uma baahnid warqad gudbin kasocoto Fedasil
Hadii aad leedahay shaqo mushaar leh kusaleeysan heshiis, Waxaad sidoo kale kusoo biiri kartaa sanduuqa ceeymiska caafimaadka ee dookhaaga ah. Qaabkan, sanduuqa caymiska caafimaadka, Fedasil ayaa inta badan bixin doontaa kharashaadka caafimaadka. Waa inaad marka hore bixisaa Lacag wadaag Adigoo siinaaya bixiyaha daryeelka caafimaadka, Fedasil na wexeey kuusoo celin doontaa kharashka iyadoo lagu saleenayo warqada qaan sheegashada iyo cadeenta lacag bixinta.
Sidee ayaad u codsan laheyd warqada gudbinta?
- Dhowr maalmood booqashadaada ka hor dhakhtarka guud (GP) ama bixiyaha kale ee daryeelka caafimaadka ee ka baxsan isbitaalka, adiga (ama bixiyaha daryeelka caafimaadka) waa inaad usoo gudbisaan codsi Fedasil.
- Fadlan isticmal Foomka onleeynka ah tani (waxaa lagu heli kara luuqado kala duwan).
- Kadib markaad buuxiso foom ka, waxaad heli doontaa Email lagugu war galinaayo in Fedasil eey dabooli doonto kharaashkaaga caafimaad iyo inkale.
- Hadii Fedasil ay ogolaato iney bixiso kharashaadka caafimaadka, waxaa kuuso dhici doona Email lawaad ay kujirto warqada gudbinta.
- Uqaado warqada gudbinta dhakhtarka guud (GP) ama bixiyaha daryeela caafimaadka. Warqada gudbinta waxa sidoo kale si toos ah loogudiri kara qaab boosto ah bixiyaha daryeelka caafimaadka.
- Hadii aad heeysato warqada gudbinta, ma ahan inaad bixiso wax lacag ah. Kadib latashigaaga, Fedasil aya siineeyso kharashaadka caafimaadka bixiyaha daryeelka caafimaadka.
Qaadashada daawada farmashiyaha
Farmashiyaha, waxaad ka qaadan kartaa daawada uu dhaqtarka kuu qoray.
Farmashiistaha ayaa sidoo kale kuu sharxi doono isticmaalka daawada iyo suurto galnimada wax yeelada.
Marwalbo qaado daawada dhakhtarka kuuqoray iyoKaarkaga orenjiga, annex 26Ama uqaado dukumenti aqoonsi kale Farmashiyaha.
Farmashiistaha ayaa marka hore hubin doono inaad xaq uleedahay baahida daryeelka caafimaad ee kayimaada Fedasil. Qaar ka mid ah daryeelka caafimaadka wexey ubaahan yihiin Ansixinta dhaqtar ka socda FedasilKa hor dowlada Hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV dib loo bixinin kharashaadka.
Kadib ansixinta Fedasil, Hay’ada caafimaadka ee CAAMI-HZIV ayaa si toos ah usiin doonto kharashaadka daawada farmashiyaha.
Waxaad sidoo kale kasoo iibsan kartaa daawada farmashiye aan ubaahneyn warqada daawo qorista sida xanuun baabi’iye. Hadii aad iibsato iyada oo uu daawada dhakhtarka kuu qorin, adiga ayaa iska bixin doonaa kharashka oo dhan.
Kawaran hadii aan helo qaansheegashada caafimaadka?
Hadii aad hesho biil caafimaad (iyo xasuusin ama warqad kasocota fuliyayaasha deynta)guriga, Waa inaad waraaqahaas ugu dirta Fedasil sida ogu dhaqsiyaha badan :
- Qaab email ah: medic@fedasil.be
- Qaab boosto ah : Fedasil - Qeeybta kharashaadka caafimaadka ee Fedisil, Rue des Chartreux 21 - 1000 Bruxelles
kudar warqada gudbinta ee lasocota warqada qaan sheegashada.
Hadii balanta ee tahay dagdag eeyna suurto gal eheyn inad codsato warqada gudbinta, kudar xogtaada shakhsiyeed(nambarka qaranka ama OV nambarka). Waxaad kaheli kartaa nambarka qaranka ama OV nambarka annex 26aad kaheshayXafiiska socdaalka.
Fedasil ayaa baaritaan kusameen doontaa hadii ey dib usoo celin doonto kharashaadka.
Madooneeysaa in laguu sooceliyo kharashaadka aad si toos ah ubixisay?
Wixii ah codsashada lacag u soo celinta kharashaadka caafimaadka, Fedasil waa inay heysaa dukumentiyada soo socda:
- Qaansheegashada orijinaalka ama koobiga ah
- Cadeynta lacagta bixinta qaansheegashada
- Koobiga kaarka bangiga. Hadii kaarka bangiga uusan ku qornayn magaca bukaanka, warqad ka socota codsadaha oo ogolaanaysa lacag u celinta lambarka akoonka ee la cadeyey waa inay ku lifaaqan tahay.
- Dalbashadawarqada gudbintaFaafaahinadaada gaarka ah ee (lambarka qaranka ama lambarka OV/SPHaddii balanta eytahay degdeg eeyna suurtogal ehen in codsi hore loogudbiyo).
Ogudir Fedisil dukumentiyada ciwaanadan soo socda:
Qaab email ahl: medic@fedasil.be
Qaab boosto ah: Fedasil - Qeeybta kharashaadka caafimaadka ee Fedisil Rue des Chartreux 21 - 1000 Bruxelles
Fedasil ayaa baari doontaa in kharashaadka la bixin doono iyo in kale.
