Caymiska caafimaadka

Beljimka, datka wexey qabaan ceymiska caafimaadka. Hadii aad jiran tahay, sanduuqa ceymiska caafimaadka ayaa bixiya qayb weyn oo ka mid ah kharashka caafimaadka. Hadii aadan awoodin inaad shaqeysid iyadoo ugu wacan tahay jiro ama shil, waxaad heli doontaa magdhow dhaqaale kuu bedelo mushaarkaaga.

Hadii aad tahay magan galyo-doon kusugan Beljimka, Fedasil ayaa bixin doontaa inta badan kharashaadkaaga caafimaadka. Si kastaba ha ahaatee, hadii adiga oo ah magan galyo-doon, aad heeysato shaqo mushaar leh oo kujirta heshiis shaqaaleyn, waxaa sidoo kale kubiiri kartaa sanduuqa ceymiska caafimaadka oo dookhaaga ah.

Haddii laguu aqoonsado qaxootinimo, waa inaad ku biirtaa sanduuqa caymiska caafimaadka ee dooqaaga ah. Hadii aad rabin inaad kubiirto sanduuqa ceymiska caafimaadka, waxaad kubiiri kartaa dowlada hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV si lacag la’an ah.

Muxuu sanduuqa caymiska caafimaadku kuu qabanayaa?

A Sanduuqa ceymiska caafimaadka (ama 'isdhaxgal')

•    Wuxuu daboolaayaa kharashaadka caafimaadka 
•    Wexey bixisaa faaidooyin lacageed hadii aad shaqeyn karin jiro awgiis
•    Wexey bixisaa faaidooyin lacageed waqtiga fasaxa dhalmada (dhalmada kadib)
•    Wexey qaban qaabisaa adeegyada daryeelka guriga (kaalmada loogu tala galay caruurta iyo waayeelada)
•    Wexey amaahisa qalabka caafimaadka si loogu daryeelo bukaanka guriga.

Waa imisa kharashaadka caymiska caafimaadka?

Hadii aad kusoo biirto, waa inaad bixisa lacag sanadle ah oo go’an (udhaxeeysa €100 iyo €120). Caruurta ama kuwa kale Kutiirsanayaal, caymiska caafimaadka waa bilaash.

Waa maxay lacagaha caymiska caafimaadka ee jira?

Sanduuqa caafimaadka ee Kirishtaanka, Sanduuqa caafimaadka dadka fikrada furan, Sanduuqa Caafimaadka Hanti-wadaaga, Sanduuqa Caafimaadka madaxa banaan, Sanduuqa caafimaadka dadka dhexdhexaadka ah. Shabakada RIZIV/INAMI, waxaad ka heli kartaa guudmarka dhamaan sanduuqyada caymiska caafimaadka.

Hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV

The Hay’ada uqaabilsan ceeymiska caafimaadka iyo naafooyinka CAAMI-HZIVwa hay’ada caafimaadka dowlada.  Tani wexey kadhigan tahay in hay’ada caafimaadka ay adeegeeda siiso qof kasta, iyadoon loo eegin xaaladaada caafimaad, dhaqaale, dhaqan ama falsafadeed. Waad kusoo biiri kartaa hay’ada caafimaadka ee CAAMI-HZIV si lacag la’an ah.

Fedasil wexey lashaqeeysaa CAAMI-HZIV si ay ubixiso kharashaadka caafimaadka ee magan galyo-doon yaasha ku sugan Biljimka.

Lacag wadaag
Hadii aad tahay xubin katirsan sanduuqa ceeymiska caafimaadka ee dookhaaga ah wa inaad bixisa Lacag wadaag marki aad latashato adeeg bixiyaha caafimaadka, ama marki aad ka iibsaneeyso daawo farmashiyaha. Lacag wadaaga latashiga dhaqtarka guud (GP)  wexey udhaxeeysa 1 iyo 4 yuuro. 
Hadii aad tahay magan galyo-doon markaas waxaad weydisan karta Fedasil ineey kuusoo celiso lacagta wadaaga. Daaweeyno ama daawooyin qaar oo isbitaalka kujiro, dhaqtarka wuxuu sidoo kale qaadi karaa kharashyo dheeraad ah. 

Fadlan ogoow; kharashaadka dheeradka ah, tusaale ahaan qol kali ah, masoo celin doonto Fedasil.

Sidee looso celiyo lacagta wadaaga ee Fedasil?

  • Waxaad codsan kartaa Shahaadada BVAC kasoco farmashiyaha ama warqada qaan sheegashada kasocota adeeg bixiyaha caafimaadka. Dukumeentigan wa inaad si wadajir aha usoo gudbisaa fedisil adigoo wata cadeyn bixinta (koobiga wareejinta bangiga) ee Fedasil.
  • Hadii aadan kunooleyn qeebta qaabilaada, soodir faahfaahintaada shaqsiyeed (nambarka qaranka ama nambarka OV/SP ), shahadada BVAC ga iyo codsi bixinta kharashaadka caafimaadka ee Fedasil
    • email ahaan: medic@fedasil.be 
    • boosto ahaan: kharashaadka caafimaadka ee Fedasil , adreeska Rue Chartreux 21 - 1000 Brussels
  • hadii aad kunooshahay qeebta qaabilaada, udhiib shahaadada BVAC ama warqada qaan sheegashada iyo cadeyta lacag bixinta adeega caafimaadka ee xarunta qaabilaada. 
  • Kadib Fedasil ayaa dib ugu bixin doonta lacagta wadaaga akoonkaaga ama akoonka qof sedexaad iyadoo heysato ogolaanshaha milkiilaha akoonka.