Caymiska caafimaadka

Gudaha Biljimka, waxaa qasab ah inaad qaadato caymiska caafimaadka. Haddii aad jirran tahay, sanduuqa caymiska caafimaadka ayaa bixiya qayb weyn oo ka mid ah kharashka caafimaadka. Haddii aadan awoodin inaad shaqeysid iyadoo ugu wacan tahay jirro ama shil, waxaad heli doontaa magdhow dhaqaale kuu beddelo mushaarkaaga.

Haddii laguu aqoonsado qaxootinimo, waa inaad ku biirtaa sanduuqa caymiska caafimaadka ee dooqaaga ah. Haddii aadan rabin inaad xubin ka noqotid sanduuqa caymiska caafimaadka, waxaad ku biiri kartaa 'Sanduuqa gargaarka loogu talagalay dadka jirran iyo caymiska bulshada ee qasabka ah' ee bilaashka ah.

Muxuu sanduuqa caymiska caafimaadku kuu qabanayaa?

Sanduuqa caymiska caafimaadka (ama 'la wadaago')

  • wuxuu bixiyaa kharashka daryeelka caafimaadka
  • wuxuu bixiyaa macaashka maaliyadeed haddii aadan taam u aheyn inaad shaqeyso iyadoo ugu wacantahay jirro ama shil
  • wuxuu bixiyaa macaashka maaliyadeed inta lagu jiro fasaxaaga umusha (dhalmada ka dib)
  • wuxuu qabanqaabiyaa adeegyada daryeelka guriga (kaalmada loogu talagalay carruurta iyo waayeelka)
  • wuxuu amaahiyaa qalabka caafimaadka oo loogu talagalay daryeelka dadka jiran ee ku sugan guriga.

Waa imisa kharashka caymiska caafimaadka?

Haddii aad ku biirto, waxaad ku qasban tahay inaad bixiso qaaraan go'an sanad walba (inta u dhaxeysa 80 iyo 110 yuro). Carruurta ama kuwa kale dadka ku tiirsan, caymiska caafimaadka waa bilaash.

Waa maxay lacagaha caymiska caafimaadka ee jira?

Sanduuqa caafimaadka ee Kirishtaanka, Sanduuqa caafimaadka dadka fikradda furan, Sanduuqa Caafimaadka Hanti-wadaaga, Sanduuqa Caafimaadka madaxa banaan, Sanduuqa caafimaadka dadka dhexdhexaadka ah. Shabakada RIZIV/INAMI, waxaad ka heli kartaa guudmarka dhammaan sanduuqyada caymiska caafimaadka.