Raadinta
Habraaca degenaashaha ee khaaska ah
Ujeeddadiisu waxay tahay in la helo 'xal waara' oo loogu talagalay ilmaha yar ee aan la wehlin ee ajnebiga ah. Xalku wuxuu noqon karaa:
• dib u mideynta qoyska iyo waalidka
• dib ugu noqoshada wadank a asalka ah ama dalka ilmaha yar ka haysto xuquuq deganaansho
• oggolaanshaha joogitaanka gudaha Biljimka.
Qofka weyn/Qaangaar
Qof ka weyn 18 sano jir.
Caymiska caafimaadka
Gudaha Biljimka, dadku waxay ku xiran yihiin nidaamka caymiska caafimaadka. Tani macnaheedu waa inuu sanduuqa caymiska caafimaadka dib u bixiyo qayb badan oo ka mid ah kharashkaaga caafimaadka wuxuuna ku siinayaa macaash haddii aadan awoodin inaad shaqeysid sababo jirro ama uur awgood.
Fasalada hagida bulshada
Fasalada isdhexgalka Waa koorso aad ku baranayso wax ku saabsan ku noolaanshaha, ka shaqeynta, iyo wax ka barashada gudaha Biljimka. Waxaad heleysaa macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga. Waxaad ku dhigan kartaa koorsada isdhexgalka af Holland/Faransiis ama luuqad kale.
Xajinta sirta
Xirfadaha qaarkood, xajinta haynta ayaa lagu dabaqi karaa. Midaan macnaheedu waa in xirfadlayaasha qaarkood loo oggolayn inay shaaca ka qaadaan waxa loo sheegay marka ay shaqeynayaan. Midaan waxay khuseysaa dhakhaatiirta, farmashiisteyaasha iyo shaqaalaha bulshada. Mararka qaarkood xajinta sirta waa la jebin karaa, tusaale ahaan marka qof ku jiro xaalad degdeg ah.
Gargaar caafimaad oo degdeg ah
Haddii aad joogeyso gudaha Biljimka bilaa deganaansho sharci ah (si aan caadi ahayn), kaliya waxaad xaq u leedahay gargaarka caafimaadka ee degdega ah iyadoo loo marayo CPAS/OCMW.
Kind & Gezin / ONE
Kind & Gezin (ku sugan Flanders) iyo ONE (ku sugan Wallonia) waxay taageeraan qoysaska leh carruurta, ka dib dhalmada iyo daryeelka carruurta.
Ku tiirsaneyaal
Kuwa kugu tiirsan maal ahaan. Waxaa laga yabaa inaad leedahay carruur ama dad kale oo kugu tiirsan (waalidiin).
Mamnuucida usu imaanshaha
Dhammaan usu imaanshaha wax ka badan 2 qof oo aan aheyn xubnaha isku midka (nugleerka) qoyska waa la mamnuucay.
Shaqo xilliyeed
Shaqada la qabto kaliya muddo gaaban iyo xaddidan sanadkii. Tusaalooyinka shaqo xilliyeedka ka jira Biljimka waa gurashada miraha iyo goosashada khudaarta.
Shaqaale xilliyeed waa rag ama dumar qabta shaqo xilliyeed. Batrooniga inta badan wuxuu siiyaa hoy kumeelgaar ah shaqaale xilliyeedka.
Magangelyo-doonka waxay heli karaan kaalmo wareem.
Ma waxaad tahay ilmo yar oo aysan waalid ku wehlin gudaha Biljimka? Markaa booliska ama adeegyada magangelyada ayaa wargalin doona Adeegga Hagitaanka. Adeegga ayaa kuu raadin doona mas'uul adiga.
Ma haysataa diblooma dibadda aad ku sameysay? NARIC Flanders waxay aqoonsataa dibloomada dibbada lagu sameeyay ay leeyihiin dadka rajaynayo inay ka shaqeeyaan ama wax ku bartaan gudaha Flanders.
Si aad u wadid gaari, waa inaad haysataa laysanka darawalnimada ee Biljimka ama caalami ah oo ansax ah. Haddii aad horay u heshay laysanka darawalnimada wadankaaga, waxaad u isticmaali kartaa shatigan dalbashada laysanka darawalnimada ee Biljimka. Haddii aadan weli haysan laysanka darawalnimada, waa inaad gashaa tijaabo darawalnimo.
Ka dib marka laguu aqoonsado qaxootinimo, waxaad haysataa 2 bilood si aad u hesho guri aad leedahay. Waqtigaas ka dib, waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada ama guriga ay leeyihiin CPAS/OCMW.
Qaxooti la aqoonsaday ahaan, marka loo geeyo gurigaaga, waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad daboosho nolol-maalmeedkaaga: cunto, kululeyn, koronto, biyo iwm. Hubso in kiradaada bilaha ah aysan aad u sarreeyn, si aad weli u haysato in kugu filan aad ku noolaato.