Raadinta
Xaaladda deganaansho
Xaaladda deganaanshaha waxay go'aamisaa shuruudaha qofku ku deganaan karo Biljimka. Waxay qoqon kartaa mid ku-meelgaar ah ama joogto ah.
Dhammaan xaaladaha deganaanshaha waxay ku xiran yihiin xuquuqda iyo xayiraadaha. Marka laga soo tago waxyaabaha kale, xaaladda ayaa go'aamisa inaad halkan ka shaqayn karto iyo in kale; inaad aad u safri karto waddan kale iyo in kale; inaad keeni karto xubnaha qoyska ama in kale.
Fiisaha
Oggolaanshaha rasmiga ah ee dal ku galka ama dal ku jooga. Fiisaha waxaa bixiya dalka socdaaluhu u jeedo. Sidaa daraadeed, waddanku wuu xakameyn karaa ciddii dalka soo galaysa.
kaarka aqoonsiga ajnebiga ee elektaroonika ah
Haddii aadan u dhallan Biljimka oo aad xuquuq u leedahay inaad degto gudaha Biljimka, waxaad heli doontaa kaarka aqoonsiga ee elektarooniga ah ee loogu talagalay muwaadiniinta ajaanibta ah.
Fasalada OKAN
OKAN (af Holland) waxay u taagan tahay fasalka soo dhawaynta ee loogu talagalay dadka cusub ee af ajnebiga ku hadla.
Ardayda af ajnebiga ku hadla ee dhowaan imaadeen Biljimka waxay ka heli karaan taageero dheeri ah fasalada khaaska ah. Waxaad u baraneysaa af Holland si aad ula qabsato waxbarashada iyo bulshada.
Xafiiska shaqaaleynta
Xafiiska shaqaaleynta ayaa kaa caawin doona inaad hesho shaqo. Tusaale ahaan: VDAB, Actiris, Forem.
Mushaarka ku filan nolosha
Wadarta lacagta ay bil kasta siiyaan CPAS/OCMW dadka u baahan, ka dib baaritaan bulsheed. Wadarta la helo waxay ku xirran tahay tirada qoyska.
Carbuunta
Wadar lacag ah taasoo kireystaha ku shubo koonto xanniban oo magaciisa ku furan bilowga heshiiska kirada. Dhamaadka muddada kirada, kireystaha wuxuu dib u helayaa lacagta hadduu fuliyay dhammaan waajibaadyadiisa hoos yimaada heshiiska kirada.
IOM:
Hay'ada Caalamiga ah ee Socdaalka. IOM waxay si bini'aadanimo iyo habsami leh u qabataa maamulka socdaalka waxayna kor u qaadaa wadashaqaynta caalamiga ah ee arrimaha socdaalka. IOM waxay ka caawisaa raadinta xalal la taaban karo waxayna siisaa kaalmo bini'aadanimo muhaajiriinta u baahan.
Sanduuqa caymiska caafimaadka
Hay'ad ku siiso caymiska caafimaadka. Sanduuqa caymiska caafimaadka wuxuu bixiyaa adeegyo kala duwan: dib-u-bixinta kharashka caafimaadka ee buuxa ama dhiman, daryeelka caafimaadka, macaashka haddii aadan awoodin inaad shaqeysto, iwm. ku-xirnaansho sanduuqa caymiska caafimaadka waa khasab gudaha Biljimka.
Qoyska barbaarinta
Barbaarinta macnaheedu waa in qof daryeelo oo koriyo ilmaha qof kale. Midaan waxay dhici kartaa haddii waalidka ilmaha ay si (ku-meelgaar) ah u awoodin inay iyaga u koriyaan ilmaha.
Haddii aadan faraxsaneyn iyadoo ugu wacantahay walaac, muran ama dhibaatooyin ka jira qoyskaaga, waxaa jira adeegyo ku caawin kara. Ka hadal dhibaatooyinkaaga.
Ka ilaali naftaada iyo caruurtaada cudurada halista ah (dabaysha, teetanada, jadeeco) oo is tallaal. Tallaallada ugu muhiimsan waa bilaash gudaha Biljimka. Carruurtu waxay tallaalka ka helaan dugsiga ama rugta caafimaadka.