Raadinta

Adeegga Hagitaanka

Adeeg dawladeed oo u qabanqaabiya mas'uul ilmaha yar ee aan la wehlin ee ajnebiga ah.

Xal waara

Habraaca degenaashaha ee khaaska ah. Midaan waa habraaca loogu talagalay ilmaha yar ee aan la wehlin kaasoo lala bilaabi karo habraacyo kale. Waxaad raadineysaa xalka mustaqbalkaaga adigoo kaashanaya Xafiiska Socdaalka iyo mas'uulkaaga. Midaan waxay noqon kartaa: dib ugu mideynta qoyska iyo waalidiinta gudaha waddanka ay deggan yihiin; dib ugu noqoshada waddankaaga asalka ah kaasoo si sharci ah aad u deganaan kartid; deganaanshaha Biljimka.

Rabshadaha qoyska

Rabshad lagu galo guriga ama gudaha qoyska. Rabshadu ma aha khasab inay guriga ka dhacdo.

Jadwalka qashin ururinta

Jadwalka qashin ururinta dawladda hoose wuxuu muujiyaa marka qashinkaaga la uruurin doono. Tusaale ahaan: Isniinta: warqadaha iyo kartoonada, Arbacada: dhalooyinka caaga ah, baakooyinka birta iyo kartoonnada cabitaanada (PMD).

Dhex-dhexaadinta deymaha

Haddii aad dooneyso dhex-dhexaadin deyn, dhex-dhexaadiyaha deynta (tus. CPAS/OCMW) ayaa isku dayi doonaan inay heshiis la galaan aamaahiyahaaga heshiiskaas oo ku saabsan bixinta deymahaaga.

Boqortooyo

Nidaam siyaasadeed kaasoo madaxa dawladda uu yahay Boqor ama Boqorad.

Hawlgabka

Taageerada dhaqaale ee dadka marka ay dhamaato xirfaddooda. Gudaha Biljimka, da'da q qalmashada hawlgabka waa 65 sano jir.

Raajada

Raajada waa hab lagu sawirayo gudaha jirka bini'aadamka iyadoo la adeegsanayo raajo.

Shuruudaha sawirka (loogu talagalay baasaboorka)

Sawirka ku yaala kaarkaaga aqoonsiga, kaarkaaga aqoonsiga ajnabiga ama baasaboorkaaga waa inay buuxiyaan heerarka qaarkood. Haddii uusan sawirkaagu waafaqsaneyn, dawladda hoose waa inay diidaa.

Shahadada tirada qoyska

Shahaadada tirada qoyska waa mid laga soo saaro diiwaanka dadweynaha kaasoo ku qoran yihiin dhammaan dadka isku qoyska ah.