Celinta qasabka ah

Haddii aadan ku tagin garashadaada, dawladda Biljimka waxay kugu qasbi kartaa inaad ku noqoto waddankaaga asalka ah. 

Booliska ayaa ka dibna ku wadi doono waxayna ku saari doonaan dayaarad. 

Ha ogolaan in arrinta halkani soo gaarto! Kala hadal xaaladaada shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga.

Waa maxay habraaca celinta qasabka ah?

Celinta qasabka ah marxalado ayay martaa, iyada oo lala kaashanayo booliska.

  • Marka hore waxaa lagu siinayaa fursad aad ku baxdo garashadaada, ha iska caabin.
  • Haddii aad diido inaad baxdo: booliska ayaa ku saarayo dayaarad.
  • Weli haddii aad diido inaad baxdo: saraakiisha booliska ayaa kugu wehlinaya dayaarada oo kuu duulinaya meesha aad u socoto.
  • Weli haddii aad diido inaad baxdo: booliska ayaa qabanqaaabinayo duulimaad ammaan ah oo dib kuugu celiso wadankaaga asalka ah.