Asturnaanta & afeefta

Bayaanka jira wuxuu sharraxayaa sida Fedasil u socodsiiso xogta shaqsiyeed ee la xiriirta adeegsiga mareegta ay Fedasil mas'uulka ka tahay.

Socodsiinta xogta shaqsiyeed

Sharciga Biljimka ee 8 Disember 1992 ee ilaalinta asturnaanta wuxuu bixiyay xuquuqo gaar ah oo la xiriira socodsiinta xogta shaqsiyeed. Kuwaan dhammaan waa xogta oggolaanayso in si toos ah ama toos ahayn loo aqoonsado qofka. Xogta shakhsiyeed ayaa hadda laga bilaabo sidoo kale waxaa xakameynayo Qaanuunka Ilaalinta Xogta Guud (GDPR), Qaanuunka (EU) 2016/679 ee Baarlamaanka iyo Golaha Yurub 27 Abriil 2016 ee ku saabsan ka ilaalinta dadka dabiiciga ah wax la xiriira socodsiinta xogta shaqsiyeed iyo wareejinta xorta ah ee xogta noocaas ah.

Fedasil ayaa mas'uul ka ah socodsiinta xogtaada shaqsiyeed ee laga soo ururiyay mareegaha www.fedasil.be, www.voluntaryreturn.be iyo www.fedasilinfo.be. Adigoo la tashanaya mareegta Fedasil ay mas'uulka ka tahay, waxaad aqbashay in xogtaada shaqsiyeed loo socodsiiyo sida ku xusan qodobada bayaanka jira.

Markaad ka bixiso xogtaada shakhsiyeed mareegta Fedasil, tusaale ahaan adigoo buuxinaya foomka xiriirka, xogtaada waxaa kaliya loo isticmaali doonnaa ujeeddooyinka ugu dambeeya ee loogu talagalay iyo danta ka jawaabista codsigaaga sida ugu wanaagsan. Dib dambe ula ma wadaagi doonno xogtaan dhinac saddexaad.

Fedasil kaliya waxay isticmaashaa xirmo xogeed taasoo u leh halis yar isticmaaleyaasha mareegta. Xirmo xogeedyadaan waxaa loo isticmaalaa in lagu keydiyo luqadaha la doorbidayo iyo inay u soo saarto xogta isticmaalka si qarsoodi ah.

Xuquuqda qofka ay khusayso

Xeerka guud ee ku saabsan ilaalinta macluumaadka shaqsiyadeed wuxuu siinayaa muwaadinku xuquuq gaar ah oo laxiriirta xakameynta xogtooda shaqsiyadeed. Muwaadin kasta wuxuu leeyahay xuquuqaha soo socda :

Macluumaadka iyo helida xogtooda shaqsiyeed, xuquuqda inay helaan nuqul xogta ah ;

Sixida xogta shaqsiyeed ee khaldan ama baabi'inta xogta shaqsiyeed ;

Xaddidid khuseysa socodsiinta xogtooda shaqsiyeed ;

Soo gudbinta diidmo ka dhan ah go'aan gaaris iyo faaqidaad toos ah ;

Sida sahlan ee xogta loo qaadi karo.

Waxaad u adeegsan kartaa xuquuqahaan Fedasil adoo ka weydiinaya su'aalahaaga cinwaanka sirri@fedasil.be ama foomka xiriirka, waxaan kaga jawaabi doonnaa su'aashaada bil gudaheeda.

Tallaabooyinka ilaalinta xogta

Fedasil waxay sameysaa dadaal kasta oo lagu dammaanad qaadayo sugnaanta xogta ay mas'uulka ka tahay. Hadduu dhaco khilaaf sharciyeed, cabashada waxaa loogu aadin karaa sarkaalka ilaalinta xogta ee Fedasil iimaylka dpo@fedasil.be ama kormeeraha maxalliga ah ee Biljimka ee mas'uulka ka ah raacida ilaalinta xogta.

Kormeeraha Ilaalinta Xogta

Rue de la Presse, 35, 1000 Brussels

+32 (0)2 274 48 00

kala xiriir apd-gba.be

Xuquuqda Daabacaadda

Sawirrada: xuquuqda daabacaadda sawirrada lagu muujiyay www.fedasilinfo.be waxaa mas'uul ka ah Fedasil haddii aan si kale loo dhigin.

Qoraallada: haddii aan si kale loo dhigin, macluumaadka ku jira www.fedasilinfo.be xor ayuu ka yahay xuquuqda daabacaadda

Dib-u-soo-saarista: adeegsiga shaqsiyeed ee macluumaadkan (qoraallada iyo sawirrada) waa bilaash waana la oggol yahay, waa haddii isha laga soo helay la sheego ("macluumaadka laga helay www.fedasilinfo.be, xarunta macluumaadka ee magangalyo-doonka ee ku taala Biljimka").

Afeef

Walaacyo tayo: Fedasil waxay si aad ah uga walaacsan yahay tayada macluumaadka lagu daabacay www.fedasilinfo.be. Haddii qaar ka mid ah macluumaadka lagu daabacay www.fedasilinfo.be ay khaldan yihiin, Fedasil waxay ballan qaadaysaa inay u saxdo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.

Masuuliyadda: Fedasil looma qabsan karo mas'uuliyadda wixii waxyeelo toos ah ama aan toos ahayn ee ka dhasha macluumaadka ku jira mareegtan.