Mas'uulkaaga, qof aad ku tiirsanaan karto

Ma waxaad tahay ilmo yar oo aysan waalid ku wehlin gudaha Biljimka? Markaa booliska ama adeegyada magangelyada ayaa wargalin doona Adeegga Hagitaanka. Adeegga ayaa kuu raadin doona mas'uul adiga.

Adeegga Hagitaanka ayaa kuu xilsaari doonaa mas'uul, kaasoo ah nin ama dumar kaa caawin doona go'aannada ku saabsan habraacaaga, halka aad deggan tahay iyo noloshaada gudaha Biljimka. Mas'uulkaaga wuxuu qabtaa hawlo badan.

Adeegga Hagitaanka ayaa ku siin doona warqad ku qoran magaca iyo faahfaahinada mas'uulkaaga. 

Mar kasta wado warqadaan, waayo waad u baahan tahay mar walba aad la xiriirayso dawladda Biljimka. Ku keydso magaca mas'uulkaaga iyo lamabarka telefoonkiisa gudaha telefoonkaaga gacanta.

Goorma ayaad heleysaa mas'uulka?

  • Marka aad ka yar tahay 18 sano jir (ilmo yar).
  • Marka aad joogtay Biljimka waalidkaaga la'aantiisa.
  • Marka aad ka timid dal ka baxsan Yurub ama aad ka timid waddan ka mid ah Yurub oo aad ku jirto xaalad nugul.
  • Marka aad gudbisay codsiga magangelyada caalamiga ah ama aadan haysad ruqsad degganaansho.

Goorma ayuu adeegga hagida joogsadaa?

  • Marka hooyadaa iyo aabahaa joogaan Biljimka.
  • Marka aad tahay 18 sano jir.
  • Marka aad ka tagto Biljimka.