Hawlaha mas'uulkaaga

Haddii aad tahay ilmo yar oo aabe ama hooyo la'aan jooga Biljimka, waxaa laguu xilsaari doonaa ma'suul.

Mas'uulkaaga wuxuu ku taageeraa inta lagu jiro ballamaha muhiimka ah wuxuuna kaa caawin doonaa go'aan qaadashada:

  • Mas'uulkaaga wuxuu kugu soo booqan doonaa halka aad ku nooshahay (ugu yaraan hal mar bil kasta).
  • Mas'uulkaaga ayaa kula hadla inta lagu jiro booqashada wuxuuna isku dayaa inuu ka jawaabo su'aalahaaga. Isaga ama iyada ayaa midaan sameeya iyadoo la kaashanayo turjumaan haddii loo baahdo.
  • Mas'uulkaaga wuxuu kula aadaa ballamaha aad la leeyahay (Xafiiska Socdaalkaee adeegga magangelyada, CGVS/CGRA, RvV/CCE).
  • Mas'uulkaaga wuxuu kaa caawiyaa raadinta meel aad kuk noolaato.
  • Mas'uulkaaga wuxuu kugu xiraa qareen. Si wadajir ah, waxay kaala taliyaan habraacaaga.
  • Mas'uulkaaga wuxuu kaa caawiyaa helida dugsiga iyo is-diiwaangelinta.
  • Mas'uulkaaga wuxuu ku caawiyaa marka aad jirran tahay.
  • Mas'uulkaaga wuxuu kaa caawiyaa inaad hesho qoyskaaga.

Weydii mas'uulkaaga dhammaan su'aalaha aad ka qabto nolosha Biljimka. U sheeg mas'uulkaaga wax ku saabsan nolosha waddankaaga hooyo iyo safarkaaga aad ku timid halkan. Sidaas, ayuu isaga ama iyada kugu caawin kartaa.

Ma qabtaa su'aal ku saabsan mas'uulkaaga?

Adeegga hagitaanka wuxuu hubiyaa in mas'uulkaaga ka soo baxay shaqadiisa. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa adeegga Hagitaanka haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan shaqadooda.

Miyaad is khilaafsan tihiin mas'uulkaaga? Kala hadal mas'uulkaaga iyo/ama shaqaale bulsho oo la raadi xalka mas'uulkaaga. Haddii aadan adigu xallin karin khilaafka idin ka dhex dhaco, la xiriir adeegga hagitaanka.

Haddii uu dhaco khilaaf daran, garsoore nabadeed ayaa soo faragelin doona. Garsooraha ayaa laga yaabaa inuu go'aamiyo in adeegga hagitaanka tahay inay kuu xilsaaraan mas'uul kale.

Ma dooran kartid mas'uulkaaga adiga, adeegga hagitaanka ayaa go'aaminaya.

Ma u baahan tahay caawimaad degdeg ah, ama ma ku sugan tahay halis?

Ka wac booliska lambarka degdega ah: 112 ama 101.

 

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Adeegga Hagitaanka (Guardian Service)

Waterloolaan 115

1000 Brussels

Telefoonka: +32 (0) 78 15 43 24

Iimaylka: voogdij@just.fgov.be ama tutelles@just.fgov.be

 

What will a guardian do for you ?