U safrida dibbada inta lagu jiro habraaca

Inta lagu jiro habraacaaga magangelyo, uma safri kartid dibbada. Marka lagu siiyo aqoonsi qaxootinimo, mar dambe waad safri kartaa, laakiin uma safri kartid wadankaaga asalka ah.

Lama oggola safrida inta lagu jiro habraaca magangelyada

Codsadaha magangelyada caalamiga ah ahaan kama tagi kartid Biljimka inta lagu jiro habraacaaga. si kastaba, ma haysatid sharci degganaansho. Shahaadadaada diiwaangelinta kuma siineyso suurtogalnimada inaad u safarto Yurub dhexdeeda.

Si kastaba ha noqotee, waad go'aasan kartaa wakhti kasta inaad joojiso habraaca magangelyada si aad ugu laabato wadankaaga asalka ah. Fedasil waxay kaa caawinaysaa qabanqaabinta noqoshadaada, waxayna bixinaysaa duulimaadkaaga.

Safrida adigoo qaxooti la aqoonsaday ah

Haddii laguu aqoonsaday qaxootinimo ama aad heshay magangelyada hoose, markaa waxaad mar kale u safri kartaa dibbada.

Qaxooti ahaan, uma safri kartid wadankaaga asalka ah. Haddii aad u safartid wadankaaga asalka ah, Biljimka wuxuu kaala noqon karaa sharcigaaga qaxootinimo. Waxaad markaas lumin doontaa xuquuqdaada aad ku laheyd Yurub dhexdeeda.

Dukumentiyo caynkee ah ayaad u baahan yahay inaad ku safarto?

Codsashada baasaboorka buluuga ah

Waxaad ka codsan kartaa baasaboor degmada ama magaalada lagaa diiwaangeliyay.

Waxaa lagaa doonayaa dukumentiyada soo socda si aad u codsato baasaboor:

  • kaarkaaga aqoonsiga ee elektaroonika ah
  • sawirka baasaboorka kaasoo buuxinaya shuruudaha baasaboorka
  • caddaynta qoyska inta uu ka kooban yahay (weydii degmgamada)

Mararka qaarkood, oggolaansho dheeraad ah haddii loo baahdo (fiisaha) loogu safro wadamada qaar. Ogow haddii lagaaga baahan yahay fiisaha waddanka aad rabto inaad u safarto.

Ma dooneysaa inaad ku laabato wadankaaga asalka ah?

Tag xafiiska 'dib u noqoshada' ee Fedasil

Ama wac lambarka telefoonka bilaashka ah +32 (0) 800 32 745