Raadso shaqo
Miyaad raadineysaa shaqo? Iska diiwaangeli hay'ad shaqo.
Haddii aad rabtid inaad shaqeyso, waxaad iska diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn. Waxay kaa caawinayaan inaad hesho shaqo u dhiganta xirfadaada. Gobol kasta wuxuu leeyahay hay'ad shaqo oo gaar ah:
- VDAB (Flanders)
- ACTIRIS (Brussels)
- FOREM (Wallonia)
- ARBEITSAMT (Jaaliyadda ku hadasha Jarmalka)
Iska diiwaangelinta hay'ad shaqo
Laga bilaabo 4 bilood kadib gudbinta codsigaaga badbadinta caalamiga ah, oo haddii aadan jawaab-celin weli ka helin CGVS/CGRA, waxaad shaqo-raadsade ahaan isaga diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn.
Si aad isugu diiwaangeliso shaqo-raadiye ahaan hay'adahan, waxaad u baahan doontaa dukumintiyada soo socda:
- Oggolaanshaha deganaanshaha
- Haddii aad heysato ruqsad deganaanshaha ku meel gaarka ah (shahaaddaada cadeynta degnaanshaha (kaarka orjiga) waa inuu sheega xadkaaga ama helida xad la'aanta ee suuqa shaqada
Hay'ad shaqo ayaa ku caawin karta
- Raadinta koorso tababar ama tababarka gacanyaranimo.
- dhigo fasalada af Holland ama Faransiiska si aad u shaqeyso.
- qor Taariikhdaada Ambaqaad, warqada dhiirogelinta ama kaa caawiya inaad u diyaargarowdo wareysiga shaqada.
- raadso shaqooyinka banaan, kuwaas oo u dhigama khibradaada ama xiiseyntaada.
Shaqooyinka loogu talo galay dadka ku cusub Flanders
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqadda ee dadka cusub: booqo websaydka VDAB oo ku qor eraybixinta '#Werkplekvrij' ciwaanka hoostiisa 'Zoek een job'.
Shaqooyinka loogu talo galay dadka ku cusub Flanders
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqada ee dadka cusub: booqo websaydka VDAB oo ku qor eraybixinta '#Welcome' ciwaanka hoostiisa 'Zoek een job'.
Shaqooyink loogu talo galay dadka ku cusub Wallonia
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqadda ee dadka cusub: booqo websaydka FOREM ama ARBEITSAMT (Bulashada ku hadashada-Jarmalka) iyo qor eray bixinta '#Dispo’ ciwaanka korkiisa 'Trouvez un emploi’.