Goorma ayaad shaqeyn kartaa?
Magangelyo-doonka way ka shaqeyn karaan gudaha Biljimka 4 bilood kadib marka ay soo gudbiyaan codsigooda. Qaxootiga la aqoonsaday waa loo oggolyahay inay shaqeeyaan, sida muwaadiniinta Biljimka.
Waxaad tahay magangelyo-doon
Haddii CGVS/CGRA aysan weli ka gaarin go'aan codsigaaga badbaadinta caalamiga ah, waxaad kaliya shaqeyn kartaa 4 bilood kadib gudbinta codsigaaga badbaadinta caalamiga ah.
- Markaad ka cusbooneysiiso kaarkaaga oranjiga ah degmada, wuxuu si toos ah u sheegayaa: 'Suuqa shaqada: kama xaddidna'.
- Waxaad ku dhaqmi kartaa dhammaan xirfadaha gudaha Biljimka.
Muddo intee le'eg ayey xaq u lahaanshaha shaqada soconaysaa?
Xaq u lahaanshaha shaqada waxay soconaysaa ilaa CGVS/CGRA ay go'aan ka gaarayaan codsigaaga. Haddii aad racfaan ka qaadato go'aanka CGVS/CGRA, xaq u lahaanshahaada shaqada way soconaysaa ilaa RvV/CCE ay go'aan ka gaarto habraaca racfaankaaga .
Waxaad tahay qaxooti la aqoonsaday
Waxaad xaq aan xaddidneyn u leedahay inaad shaqeyso haddii aad heshay sharci qaxootinimo ama badbaado hoose.
