Raadso shaqo
Miyaad raadineysaa shaqo? Iska diiwaangeli hay'ad shaqo.
Hay'adaha raadiyo shaqada
Haddii aad rabtid inaad shaqeyso, waxaad iska diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn.Waxay kaa caawinayaan inaad hesho shaqo u dhiganta xirfadaada. Gobol kasta wuxuu leeyahay hay'ad shaqo oo gaar ah:
- Miyaad shaqo ka raadidaysaa Flanders: VDAB
- Miyaad shaqo ka raadidaysaa Brussels: Actiris
- Miyaad shaqo ka raadidaysaa Wallonia: Forem ama Arbeidsamt (Bushada Jarmalka)

Iska diiwaangelinta hay'ad shaqo
Laga bilaabo 4 bilood kadib gudbinta codsigaaga badbadinta caalamiga ah, oo haddii aadan jawaab-celin weli ka helin CGVS/CGRA, waxaad shaqo-raadsade ahaan isaga diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn.
Si aad isugu diiwaangeliso shaqo-raadiye ahaan hay'adahan, waxaad u baahan doontaa dukumintiyada soo socda:
Hay'ad shaqo ayaa ku caawin karta
- Raadinta koorso tababar ama tababarka gacanyaranimo.
- dhigo fasalada af Holland ama Faransiiska si aad u shaqeyso.
- qor Taariikhdaada Ambaqaad, warqada dhiirogelinta ama kaa caawiya inaad u diyaargarowdo wareysiga shaqada.
- raadso shaqooyinka banaan, kuwaas oo u dhigama khibradaada ama danahaaga.