Kasbashada lacag

Ma heshay shaqo mushaar leh? Si wadajir ah adiga iyo shaqo-bixiyahaaga, waa inaad saxiixdaan heshiiska shaqada. Sidoo kale u sheeg shaqaalahaaga bulshada, kuna biir barnaamijka caymiska caafimaadka.

Waxaad heysataa shaqo waxaadna ku nooshahay xarunta qaabilaadda ama barnaamijka qaabilaadda degaanka (CPAS/OCMW)

  • Haddii aad shaqeysid, waxaa lagaa doonayaa inaad la socodsiiso shaqaalaha bulshada heshiiskaaga shaqada, saacadahaaga shaqada iyo mushaarkaaga.
  • Waxaa macquul ah in laga yaabo inaad bixiso qayb ka mid ah mushaarkaaga si aad u hesho hoygaaga. Kala hadal arrintan shaqaalahaaga bulshada.

Miyaad kasbataa lacag kugu filan oo ma leedahay heshiis shaqo oo xasilloon? Fedasil waxay ku weydiin karaa inaad guri raadsato oo aad ka baxdo xarunta qaabilaadda. Haddii marka ka dib shaqadaada lumiso oo aadan wali helin go'aan ku saabsan codsigaaga magangelyada caalamiga ah, la dhigo balan CPAS/OCMW.

Ku biir nidaamka caymiska caafimaadka

Haddii aad shaqeysid, waxaa sidoo kale lagaa doonayaa inaad ku biirto nidaamka caymiska caafimaadka (ama nidaamka caymiska wadajirka ah).

Muxuu qabtaa nidaamka caymiska caafimaad?

  1. Nidaamka caymiska caafimaadka wuxuu magdhawaa qayb ama dhammaan kharashka caafimaadkaaga (booqashadaada dhakhtarka ama dhakhtarka ilkaha).
  2. Haddii aad shaqeysid, laakiin aanad awoodin inaad shaqeyso mudo cayiman iyadoo ugu wacan tahay xanuun ama shil, caymiska nidaamka caafimaadka wuxuu ku siin doonaa magdhow lacageed aad ku bedelato mushaarkaaga.
  3. Nidaamka caymiska caafimaadka wuxuu kugu wargelinayaa caafimaadka, kharashka caafimaadka iyo xuquuqdaada bukaanka.