Ma waxaad dooneysaa inaad joojiso codsigaaga magangelyo

Waxaad go'aansan kartaa inaad joojiso habraaca codsigaaga ee magangelyada caalamiga ah.

Dadka qaarkood waxay rabaan inay joojiyaan habraaca codsigooda ee magangelyada caalamiga ah, iyagoo aan sugin go'aanka CGVS/CGRA. Sabab? Waayo marnaba wax dhib ah kama jiro waddankooda waxayna rabaan inay halkaas ku laabtaan, ama waxay ka heleen ruqsad deganaansho gudaha Biljimka (dib u mideynta qoyska, joogteynta, iwm).

CGVS/CGRA

Sidee loo joogteyo habraaca?

Haddii aadan mar dambe rabin inaad codsato ilaalinta Biljimka, waa inaad ogeysiisa CGVS/CGRA. Waxaad tahay qofka kaliya ee joojin kara habraacaaga, Qareenkaaga ama qof kale kuuma gaari karo go'aan isagoo ku matalayo. 

Waa inaad buuxisa dukumentiga CGVS/CGRA. Weydiiso caawimaad shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga si aad u hesho dukumentiga oo aad u buuxiso. Sidoo kale weydii cawaaqibta ku iman karta deganaanshahaaga gudaha Biljimka.

Marka CGVS/CGRA hesho dukumentiga, waxay isla markiiba joojisaa habraaca codsiga ee magangelyada.

Cawaaqiibta habraaca Dublin
Fadlan xusuusnow: haddii aad joojiso codsigaaga magangaleyda caalamiga ah ee Biljim oo aad u gudbisato codsigaaga wadan kale oo xubin ka ah Midowga Yurup, sharciyadda habraaca Dublin ayay khuseyaa. Taasi micnaheedu wuxuu yahay inaad masuul ka tahay sameeynta codsiga ee magangaleyada caalamiga ah. Mabda’ ahaan, wadamada Yurub waa kugu soo celin doonaa Biljimka.