Codsiga xiggo: waa maxay hab raaca?

Haddii ay dhacdo codsiga xiggo,  CGRS (CGRA/CGVS) ayaa baarto haddii ay jiraan qeyb cusub ee dacwadaada ku jirto. Warbixintaan ee aan weli ku jirin wargelintaada - tusaale ahaan ku saabsan dhacdooyinka ama isbadelada wadankaaga asalka ah - iyo inaadan haysan inta lagu jiray hab raaca hore.

  • CGRS ayaa go'aansato inaysan jirin qeybo cusub ee ku jiro dacwadaada: dacwadaada lagu dhawaaqo in la ogolaan karo.
  • CGRS ayaa go’aansato inay ka jiraan qeybo cusub ee dacwadaada: dacwadaada lagu dhawaaqay in la ogolaan karo. CGRS ayaa baareyso codsigaaga oo gaareyso go’aan cusub.

Waxaad heleysaa kaliya kaarka oranjiga haddii CGRS ugu dhawaaqo dhacwadaada in la ogolaan karo. Tani waxay cawaaqib ku eedahay xaquuqdaada shaqo.

Ka racfaan qaadashada go'aanka CGRS

Waxaad uga racfaan qaadan kartaa go'aanka aan la ogolaan karin ee CGRS, CALL. Inta lagu jiro racfaanka, lagaama saari karo dhulka.

Haddii aad ka racfaan qaadatid go’aanka aan la ogolaan karin ee la xiriiro codsiga sadexaad, waxaa lagaa saari karaa dhulka. Go’aanka kadib waxaad isla markiiba heleysaa amarka looga tagayo dhulka Belgian.

Ma u baahantahay warbixin dheeraad ah ama caawin?

Balan ka qabso shaqaalahaaga bulshada ama qareenka ka hor intaadan iska diiwaangelin codsiga xiggo ee Xafiiska Socdaalka.