Caawimaada laga helo turjumaanka

Magangelyo-doonka waxay codsan karaan caawimaad turjubaan. Waxaa loo turjumayaa macluumaadka luuqad magangelyo-doonku fahmo.

Turjubaanku wuu turjumayaa

Haddii aadan fahmi karin af Faransiis ama af Holland, waxaad ka codsan kartaa caawimaad turjumaan: qof ku hadla luuqadaada ama luuqad aad fahamto.

Shaqaalahaaga bulshada wuxuu raadin doonaa turjumaan. Shaqaalaha bulshada wuxuu iman doonaa goobtaada soo dhaweynta ama wuxuu kaaga turjumi doonaa telefoonka ama internet-ka midkood. Uma baahnid inaad lacag siiso turjumaanka. Haddii shaqaalahaaga bulshada uusan soo helin turjumaan, waxay caawimaad weydiisan karaan deggane kale ama xubin ka mid ah shaqaalaha.