Aqoonsashada dibloomadayda gudaha Wallonia ama Brussels

Haddii aad ku heshay diblooma dibadda oo aad rabto inaad ka shaqeysid Wallonia ama Brussels, waa la aqoonsan karaa dibloomadaada. Sidee? Waa inaad ka codsataa 'tasdiiqinta' dibloomadaada Gobollada Midoobay ee Wallonia-Brussels.

Tasdiiqinta waa dukumeenti muujinayo qiimaha ay leedahay dibloomada aad ka heshay dibedda.

Waxaad dooran kartaa laba habraac midkood:

  • Tasdiiqinta heerka waxbarasho: waxaa la hubiyaa heerka waxbarashada Biljimka ee u dhiganta dibloomadaada (shahaadada koowaad, shahaadada sare jaamacada ama heer kale).
  • Tasdiiqinta dibloomo gaar ah: waxaa la hubiyaa in maadooyinka koorsadaada dibadda ay la qiimo yihiin koorsooyinka Biljimka.

Habraaca tasdiiqinta dibloomada qiimaheedu wuxuu u dhexeeyaa 150 iyo 200 yuuro. Muwaadiniinta ajnabiga ah ee helay sharciga qaxootinimada ama magangelyada hoose lagama doonayo inay bixiyaan kharashka habraaca.

Habraaca tasdiiqinta ka hor, waxaan kugula talinaynaa inaad la xiriirto Gobollada Midoobay ee Wallonia-Brussels. Habraaca wuxuu noqon karaa mid adag. Si laguu caawiyo, waxaad sidoo kale in lagu caawiyo weydiisan kartaa xarunta isdhexgalka gobolka (gudaha Wallonia) ama ururka 'Ciré' (gudaha Brussels).