Waxbarashada sare

Markaad hesho shahaadada waxbarashada dugsiga sare, waxaad ka sii wadi kartaa waxbarashadaada kuleejo ama jaamacad. Waxbarashada sare waxay kuu horseedaa diblamooyinka suuqa shaqada: macalin, kalkaaliso, xisaabiye, iwm.

Shurrudaha siiwaangellinta ee waxbarashada sare

  • Waxaad ka heshay shahaadada waxbarashada heerka sare gudaha Biljamka: waxaad si toos ah isaga diiwaangelin kartaa dugsiga.
  • Waxaad haysataa shahaadada waxbarashada dugsiga sare ama waxbarashada sare ee wadan kale:
    • Weydiiso oggolaansho dugsiga ka hor diiwaangelinta
    • Waxaad haysataa caddayn ku filan ee aqoonta luuqada koorsada (af Holland, Faransiis ama Ingiriis)

Si aad u noqoto dhakhtar ama dhakhtarka ilkaha, ama koorsooyinka tababarka qaarkood ee injineernimada, waa inaad marka koowaad ka gudubtaa tijaabada diiwaangelinta.

Sanad diyaargarowga ardayda ku hadasha af ajnebi ah

Kulleejooyinka ama jaamacadaha qaarkood waxay siiyaan sanad diyaargarow loogu talagalay ardayda ku hadasha afka ajnabiga ah.

Sanadka diyaargarowga waxaa ka mid ah:

  • Casharo af Holland/Faransiis ah loogu talagalay dadka aan ku hadlin afka dhaladka.
  • Hababka barashada
  • Hagista doorashadaada waxbarashada
  • Ingiriis, xisaab iyo cilmi-baaris
  • Fasallo kale oo gaar ah oo aad kala dooran karto.

Kharashka

  • Miyaadan weli helin jawaabta codsigaaga ee magangelyada caalamiga ah? Ma codsan kartid deeq waxbarasho. Waxaa sidoo u baahan tahay inaad bixiso khidmada diiwaangelinta oo buuxda.
  • Ma laguu aqoonsaday qaxootinimo ama aad hesha magangelyo hoose? Waxaad codsan kartaa deeq waxbarasho si aad isaga bixiso qayb ka mid ah waxbarashadaada. Waxaad sidoo kale bixin khidmada diiwaangelinta oo ka hooseeysa ardayda kale.
  • Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay oo aad ka yar tahay 25 jir, waxaad codsan kartaa nacfiga ilmaha. Tani waa qadar yar oo la siiyo dhammaan dhalinyarada inta lagu jiro waxbarashadooda. Weydii shaqaalahaaga bulshada haddii aad shuruudaha buuxisay.

Waxbarashada sare waxay ku lug leedahay 4 nooc oo koorsooyin ah

  • Koorsooyinka HBO5: koorsooyin gaaban, farsamo ah
  • Shahaadada Koowaad ee Xirfadeed: koorsooyin farsamo oo 2 ilaa 3 sano ah
  • Shahaadada Koowaad iyo Shahaadada Mastarka ee tacliinta: koorsooyin kaliya aad ku helayso shaqo ka dib dhameystirka barnaamijka Shahaadada Mastarka. Koorsooyinka way farsamo yar yihiin waana inta badan u janjeera aqoonta.
  • Shahaadada Dhakhtarka Falsafada: koorso gaar ah oo ka dambeysa mastarka. Hawlaha ugu muhiimsan waa cilmi baaris.