Tasdiiqinta dibloomadayda gudaha Flanders

Ma haysataa diblooma dibadda aad ku sameysay? NARIC Flanders waxay aqoonsataa dibloomada dibbada lagu sameeyay ay leeyihiin dadka rajaynayo inay ka shaqeeyaan ama wax ku bartaan gudaha Flanders.

Si aad us ii wadato inaad wax ku barato gudaha Flanders ama Brussels, si toos ah ula xiriir jaamacad ama kulleejo.

Sida loo aqoonsan karo dibloomadayda?

Waxaad dooran kartaa laba habraac oo kala duwan midkood:

1. Tasdiiqinta heerka: NARIC ayaa go'aan ka gaarta heerka diblooma ee shisheeye.

  • Si aad u ogaato heerka waxbarashada Flemish ay u dhiganto dibloomada dibadda lagu soo sameeyay (tus. dugsiga sare, barashada xirfadaha sare, shahaadada koowaad ama shahaadada sare jaamacada).
  • Si aad u codsato shaqo jirta.
  • Ma jirto koorso waxbarasho sare oo u dhiganta gudaha Flanders.
  • Haddii aadan (or no longer) haysan barnaamijka waxbarasho ee koorsadaada.

2. Tasdiiqinta gaarka ah: NARIC ayaa go'aan ka gaarta dibloomada gaarka ah Flemish ee u dhiganta dibloomada dibadda lagu soo sameeyay.

  • Haddii aad rabto in aad ka barato xirfad nidaamsan gudaha Biljimka, tusaale ahaan, dhakhtar, kalkaaliye, naqshadeeye, xisaabiye, iwm.). Si aad u hesho xirfad nimaadsan, waa inaad sidoo kale dalbataa aqoonsi xirfadeed hay'ad kale.
  • Haddii aad rabto inaad isticmaasho magac la dhawro, tusaale ahaan, injineerka warshadaha, injineerka ganacsiga, injineerka madaniga, dhakhtar, dhakhtarka ilkaha, farmashiiste, naqshadeeye, umuliso, shaqaale bulsho.
  •  Haddii tasdiiqintu wehliso shahaado waxbarasho oo gaar ah oo ay lagama maarmaan tahay in la qabto shaqo jirta.
  • Haddii aad codsato tasdiiqinta shahaadada ditoornimada (doctoral degree).

Dukumentiyadee?

Nooca dukumentiyada aad u keento NARIC ayuu ku xiran yahay habraaca. Wixii tasdiiqinta gaarka ah, waxaad u baahan tahay dukumentiyo ka badan kuwa tasdiiqinta heerka. Haddii dukumentiyadaada yihiin af Holland, Faransiis, Ingiriisi ama Jarmal, waxaa sidoo kale lagaaga baahan yahay inaad turjumto.

Kharashaadka?

Codsashada tasdiiqinta dibloomada waxay bilaash u tahay dadka, xilliga ay codsanayaan:

  • ah codsadeyaasha magangelyada caalamiga ah
  • loo aqoonsaday qaxootinimo ama aad heshay magangelyada hoose
  • helo kaalmo weyn oo ku caddeyn karaan arrintan shahaado ka timid sanduuqa caymiska caafimaadka
  • helo mushaaar ka yimid CPAS/OCMW ama taageerada bulshada u dhiganta mushaarka
  • haysta heshiis isdhexgal oo wakhtigeedu ka yar yahay saddex sanno
  • raadsanayo shaqo oo ay soo direen VDAB ama ACTIRIS