Sida looga codsado magangalyo Belgium?

Haddii aad rabtid inaad codsatid  magangalyo, tallaabada koowaad waa diiwaangelinta codsigaaga.

Xafiiska hijrada

Xageebaa laga diiwaangaliyaa codsigaaga?

  • Haddii aad kusugan tahay Belgium: gudaha Brussels, dhankaa iyo Xafiiska hijrada (muddo aan ka badnayn 8 maalmood kadib markii aad timaado dalka)

Cinwaanka: Boulevard Pacheco 441000 Bruxelles (Cube)

  • Haddii aad joogto xaduudka Belgian: booliska u gudbi codsiga
  • Haddii lagu galiyay xabsi ama xarun saldhig ah: ugudbi codsiga agaasimaha xabsiga ama xarunta saldhigga ah.

Suurtogal ma ahan inaad ku xareysid codsi dibada (tusaale ahaan safaarada Belgian ee dibada) ama ii-meyl ahaan.

Xafiiska Socdaalka ayaa ah hay'ad dowladeed ee masuulka ka ah diiwaangelinta codsiyada magangalyada caalamiga ah.

Dokumintiyadee ayaad u baahantahay?

Dokuminti walba ee cadeynayo aqoonsigaaga. Waa inaad u keentaa iyaga Xafiiska Socdaalka markii aad iska diiwaangelisid codsigaaga magangalyada caalamiga ah.

Isla markaasna, waxaad gudbin kartaa dhammaan dokumintiyada quseeyo ee lagu cadeynayo inaad u qalantid magangalyada. Haddii aadan haysan wax dokuminti ah, weli waad codsan kartaa magangalyada caalamiga ah.