Xeraynta codsigaaga

Ka dib markaad diiwaangeliso codsigaaga magangelyada, Xafiiska Socdaalka ayaa kugu casumi doona xafiiskooda si aad si toos ah ugu 'xerayso' codsigaaga.

Sidee midaan u shaqeysaa?

Inta lagu jiro diiwaangelinta gudaha xarunta soo dhaweynta, Xafiiska Socdaalka ayaa ku siinaya taariikhda kulanka ee la xeraynayo codsigaaga, taasoo ugu yaraan ah 2 maalmood shaqo ka dib. Taariikhda waxay ku qoran tahay shahaadada diiwaangelinta ee aad hesho.

Haddii aad ku nooshahay gudaha xarunta soo qaabilaada, shaqaalahaaga bulshada ayaa ku siin doona tikidada iyo khariirada lagu aado Xafiiska Socdaalka taariikhdan.

Ballamaha had iyo jeer waa 8:00 subaxnimo oo waa inaad la timaadaa dhammaan xubnaha qoyskaaga (oo ay ku jiraan carruurta) iyo shahaadadaada diiwaangelinta.

Maalinta ballanta, waxaad heli dukumiinti cinwaankiisu yahay Lifaaqa 26 kaasoo caddaynaya inaad xareysay codsigaaga. Ka dibna codsigaaga si toos ah ayaa loo xeraynayaa.

Maxaa dhacaya ka dib marka codsiga la xereeyo?

Xafiiska Socdaalka ayaa ka calaamadinayo taariikh cusub oo ballameed Lifaaqaaga 26. Waxaad ugu soo noqonaysaa taariikhdan Xafiiska Socdaalka wareysi iyo inaad buuxiso su'aalo qoran.

Tusaalaha Lifaaqa 26 ee af Faransiiska ah