Racfaan ka qaado go'aanka CGVS/CGRA

Miyaad ka soo horjeedaa go'aanka CGVS/CGRA? Waxaad rafcaan uga qaadan kartaa go'aanka Golaha Dacwad Oogida Sharciga Shisheeyaha (RvV/CCE). Kala tasho qareenkaaga wixii ku saabsan fursadan.

Qaadashada rafcaanka

Si rafcaan aad uga qaadato go'aan diidmada ah uu gaaray CGVS/CGRA, adiga iyo qareenkaaga waa inaad racfaan u gudbisaan RvV/CCE. Racfaanku waa inuu ka koobnaadaa dhammaan waxyaabaha muhiimka ah si ay awood ugu yeeshaan RvV/CCE inay la tacaalaan kiiskaaga.

Goorma ayay tahay in rafcaan la qaato?

Waa inaad u gudbisaa racfaan RvV/CCE wakhti goa'an gudahiisa. Xadka wakhtiga lagu qaato racfaan waxaa lagu muujiyay warqadda ka kooban go'aanka CGVS/CGRA.

Guud ahaan, xadka waqtiga lagu qaato rafcaan waa 30 maalmood. Mararka qaarkood, xadiga waqtiga wuu gaaban yahay, wuxuuna noqon karaa 10 ama 5 maalmood, tusaale ahaan haddii aad ku jirtid xabbiska.

Baaritaanka RvV/CCE

RvV/CCE waxay baari doonaan kiiskaaga mar labaad. Habraaca RvV/CCE ayaa ugu horreyntii qoraal ah. Inkastoo ay dacwad dhageysi ka jirto Brussels. Adiga iyo qareenkaaga waa inaad xaadir ku ahaataan shirka.

Marka racfaanka socdo, lagaama masaafurin karo dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in si qasab ah lagaaga saaro dalka haddii ay khuseeyso

  • racfaan ka dhan ah go'aanka qaabilaad la'aanta codsiga saddexaad ee magangelyada caalamiga ah
  • racfaan ka dhan ah go'aanka qaabilaad la'aanta ee codsiga xiga, hal sanno gudaheeda ka dib go'aanka koowaad ee kama dambaysta ah ee xabbiska

Go'aanka RvV/CCE

RvV/CCE waxaay qaadan karaan go'aano kala duwan. RvV/CCE wuxuu awoodaa:

  • ku adkaysashada go'aanka CGVS/CGRA. Go'aanka CGVS/CGRA wuxuu markaa noqonayaa kamadambeys.
  • dib u eegista go'aanka CGVS/CGRA. Tani waxay la macno tahay in ay RvV/CCE qaadan karaan go'aan ka duwan midka CGVS/CGRA.
  • burinta go'aanka CGVS/CGRA. CGVS/CGRA waxay mar kale la tacaalayaan kiiskaaga waxayna tixgelinayaan soo-jeedinta RvV/CCE.

Ka dib go'aanka diidmada ah

Ka dib go'aanka diidmada ah ee RvV/CCE, waxaad heli doontaa amar aad kaga baxayso dalka.