18 sano jir, maxaa xiga?

Maalinta aad gaarto 18 jir waa xilli muhiim u ah noloshaada. Markaan ma tihid ilmo yar oo aan la wehlin oo midaan waxaay cawaaqib u keenaysaa habraacaaga deganaansho iyo qaabilaadaada gudaha Biljimka.

U isticmaal bilaha ka horeeya inta aadan gaarin 18 jir inaad ka fikirto mustaqbalkaaga. Mas'uulkaaga iyo kormeereyaasha ayaa kaa caawin kara inaad qaadato go'aano wanaagsan oo ku saabsan xaaladdaada.

Maxaa isbeddelayo marka aad gaarto 18 jir? Midaasi waxay ku xiran tahay habraaca degenaanshahaaga:

  • Haddii aad haysan deganaansho sharci ah. Waad joogi kartaa Biljimka ilaa aad ka gaarayso 18 jir si kastaba ha ahaate. Xitaa haddii aadan haysan ruqsad deganaansho ama haddii aadan codsan magangelyo. Marka aad gaarto 18 jir, midaasi way isbeddelaysaa? Waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada oo marnaba ma sii joogi kartid gudaha Biljimka
  • Haddii aadan weli helin go'aanka ku saabsan deganaashahaaga gudaha Biljimka. Marka aad gaarto 18 jir, waxaad u wareegi xarunta qaabilaada dadka waaweyn. Midaan inta badan waa xarunta qaabilaada aad horay u joogtay. Hadda waxaad raaci doontaa habraaca magangelyo-doonka ee dadka waaeyn. Maadaama hadda aad tahay 18 jir, mas'uulkaaga marnaba mas'uul kaama aha.

  • Haddii laguu aqoonsaday qaxootinimo ama aad heshay magangelyo hoose. Haddii aad tahay 18 jir, oo aad haysato ruqsad deganaansho, waxaa laguu oggolyahay inaad kaligaa noolaato. Waxaad ka heli kaalmada bulshada (mushaaar) CPAS/OCMW.Mas'uulkaaga marnaba mas'uul kaama aha. Inaad kaligaa noolaato ma aha mid fudud. Haddii aad qabtid dhibaatooyin ama su'aalo, weydiiso inuu ku caawiyo kormeerahaaga.