Qiimeynta codsigaaga

Ka dib wareysiga, CGVS/CGRA ayaa hubin doonaan macluumaadka iyo dukumentiyada aad bixisay. CGVS/CGRA ka dibna waxay go'aan ka gaari doonaan codsigaaga magangelyada.

Sarkaalka CGVS/CGRA ayaa hubin doona inaad:

Saraakiisha CGVS/CGRA ee qiimeynaya codsigaaga waxay takhasus u leeyihiin magangelyada. Waxay garanayaan xaaladda ka jirta waddankaaga asalka ah si aad u wanaagsan. Waxay helaan macluumaad badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed, xuquuqda aadanaha iyo amniga waddankaaga.

Muddo intee le'eg ayaan u baahanahay inaan sugo go'aanka CGVS/CGRA?

CGVS/CGRA waxay u qiimeyaan codsigaaga magangelyada si faahfaahsan. CGVS/CGRA ayaa isku dayaan inay go'aan ku gaaraan sida ugu dhakhsaha badan, tus. in ka yar 6 bilood. Mararka qaarkood, codsiga waa la dedejin karaa (in ka yar 15 maalmood).

Mararka qaar, falanqeynta codsigaaga ayaa qaadata waqti dheer. CGVS/CGRA waxay haystaan ugu badnaan 21 bilood si ay uga gaaraan go'aan.

Go'aan noocee ah ayaan heli karaa?

CGVS/CGRA ayaa gaari kara go'aan wanaagsan ama diidmo ah:

Haddii aad heshid go'aan diidmo ah, waxaad gudbin kartaa racfaan ka dhan ah go'aankan.