Laysanka darawalnimada ee Biljimka

Si aad u wadid gaari, waa inaad haysataa laysanka darawalnimada ee Biljimka ama caalami ah oo ansax ah. Haddii aad horay u heshay laysanka darawalnimada wadankaaga, waxaad u isticmaali kartaa shatigan dalbashada laysanka darawalnimada ee Biljimka. Haddii aadan weli haysan laysanka darawalnimada, waa inaad gashaa tijaabo darawalnimo.

Ma aha in dhammaan shatiyada ay xaq kuu siinayaan inaad hesho laysanka darawalnimada ee Biljimka. 

Laysanka darawalnimada

Ma codsan karaa laysanka darawalnimada ee Biljimka?

Haddii aad tahay qaxooti la aqoonsan yahay ama aad heysato sharciga daggenaanshaha, waad ku codsan kartaa laysanka darawalnimada Biljimka shatiga aad kala timid wadankaaga asalka ah.

Haddii laysankaaga darawalnimada la aqoonsaneyn, waa inaad ka raadsataa mar labaad laysanka darawalnimada gudaha Biljimka oo aad ka gashaa tijaabo darawalnimo xarun tijaabo oo rasmi ah.

Halkee ka codsan karaa laysanka darawalnimada ee Biljimka?

Waxaad ka codsan kartaa laysanka darawalnimada degmada aad deggan tahay. Ma helaysid laysanka darawalnimada isla mariiba. Habraaca wuxuu qaataa toddobaadyo ama bilo dhawr ah.

Waa inaad soo bandhigtaa dukumintiyada soo socda:

  • sawir baasaboor oo dhowaan ah
  • dukumentiga degganaanshaha
  • laysanka darawalnimada aad dooneyso inaad beddesho oo ansax ah
  • tarjumaada la xaqiijiyay ee laysankaaga darawalnimada

Immisa ayey ku kacaysaa inaad dalbato laysanka darawalnimada?

Degmo kasto waxay leedahay qiimo u gaar ah ay ku bixiso liisanka darawalnimada. Qiimaha celceliska ah waa 25 yuuro.

Sameynta tijaabada darawalnimo

Haddii aad rabto liisanka darawalnimada, waa inaad martaa tijaabo aragti iyo waxqabad ah. Inta lagu jiro tijaabada, waxaa la tijaabinayaa inaad darawalnimo taqaano, iyo inaad leedahay cilmi lagama maarmaan ah iyo xirfadaha darawalnimo. Waxaad ku sameyn kartaa tijaabada aragtida af Holland (gudaha Flanders, Brussels), af Faransiis (gudaha Wallonia, Brussels) ama af Jarmal ama af Ingiriisi isagoo ku caawinayo turjumaan la xaqiijiyay.

Si aad u barato sida loo wado gaari, waxaad dooran kartaa koorsada bilaashka ah ee leh laysan darawalnimo ee ku-meelgaar ah ama koorsada dugsiga darawalnimada. Mararka qaarkood, tababarka dugsiga darawalnimada waa qasab.

Barashada darawalnimada iyo sameynta tijaabada darawalnimo waxaa ku kacayo lacag badan. Hubso inaad diyaar u tahay tijaabada darawalnimo.