Ku wadida gaari gudaha Biljimka
Si aad u wadid gaari, waxaa jira sharciyo muhiim ah oo ay tahay inaad ixtiraamto.
Dukumentiyo caynkee ah ayaad u baahan yahay?
Si aad gaari ugu wadid gudaha Biljimka, waxaad u baahan tahay dukumentiyadan soo socda:
- shatiga gaari wadida ee caalamiga ah ama Biljimka.
- Gaariga 'diiwaanka gaariga' (caddaynta diiwaangelinta)
- Dukumentiyada caymiska
Haddii boolisku ku istaajiyaan, waxaa lagaaga baahan yahay inaad dukumentiyadan tusto.

Baabuur wadista
Sharciyada muhiimka ah ee taraafikada
Sharciyadan soo socda ayaa aad muhiim u ah marka aad gaari ku wadaysid gudaha Biljimka.
- gawaarida waxaa lagu wadaa dhanka midigta ah ee waddada
- Waxaad isha ku haynaysaa xawaarahaaga ugu badan (50 kilomitir/saacadii ama 30 kilomitir/saacadii gudaha magaalada, 120 kilomitir/saacadii jidka halbowlaha, 30 okilomitir/saacadii dugsiyada agtooda).
- Dhammaan dadka saaran gaariga waa inay xirtaan suunka gaariga (horay iyo gadaal)
- Waa inaadan isticmaalin telefoon ama wicitaan aadan sameynin marka aad gaari wado.
- Waa inaadan cabin wax khamri ah
- Kuma baakimi kartid meel kasta oo aad jeceshahay (si bilaash ah). Iska ilaali calaamadaha!
- Waa inaad mudnaanta siisaa gawaarida ka imaanaysa dhanka midig marka aad marayso isgoysyada aan lahayn nalalka gaadiidka.