Joogitaan aan sharci ahayn

Haddii aadan haysan waraaqo deganaansho oo sharci ah, markaa aadan deganaasho rasmi ah ku lahayn gudaha Belgium. Aadan wax taageero ah ka helin dowladda, laguuna oggolayn inaad shaqeyso.

Ma helaysid wax taageero ah

Haddii aad ku sugan tahay Biljimka adiga oo aan haysan degenaansho sharci ah, waa inaad ka baxdaa xarunta qaabilaadda ama degaanka CPAS/OCMW. Sidaas daraadeed xaq uma lihid qaabilaada Fedasil ama taageerada laga helo CPAS/OCMW. Sidoo kale laguma ogola inaad shaqeyso. Deganaansho rasmi ah inaadan ku lahayn Biljimka sharci darro ayay ka tahay.

Haddii aad ka heshay amar aad kaga baxayso dalka  Xafiiska Socdaalka, markaa waa inaad ka tagtid Biljimka. Waxaad guud ahaan haysataa 30 maalmood aad taas ku samayso.

Haddii aadan tagin, Xafiiska Socdaalka ayaa kuu wareejin kara xabbiska kuuna tarxiili wadankaaga asalka ah.

Waa maxay xuquuqahaaga?

Doorashada mustaqbal waara

Waxaad haysataa saddex fursadood:

  • Waxaad dooran kartaa inaad ku laabato wadankaaga asalka ah.
  • Waad qaadi kartaa tallaabooyinka aad ugu joogi karto Biljimka si sharci ah. 
  • Waxaad sii wadanaysaa safarkaaga dal kale oo aad u degganaan karto si sharci ah.

Si taxadar leh uga fikir fursada idiin wanaagsan adiga iyo qoyskaaga, ee mustaqbalka waara ah. Kala hadal arrintan shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga. Way kula talin karaan.