Ma haystid sharci deganaansho waxaana u baahantahay gargaar caafimaad

Haddii aad ku nooshahay Biljimka aadna haysan ruqsad sharci deganaansho ah, kuma biiri kartid nidaamka caymiska caafimaadka. 

Gargaarka caafimaadka degdega ah

Haddii aad u baahan tahay daryeel caafimaad, waxaad ka codsan kartaa gargaar caafimaad degdeg ah CPAS/OCMW

Waa maxay gargaarka caafimaadka degdega ah

  • Booqashada dhakhtarka haddii aad xanuunsan tahay
  • Booqashada dhakhtarka ilkaha haddii aad qabto ilko xanuun
  • Baaritaan caafimaad ku yimid codsiga dhakhtarka (altarasond, raajo, jeedaalin)
  • Mararka qaarkood qalliin ama baxnaanin (tus. terabiga jirka)
  • Daawooyinka dhakhtarka qoray

Maxaan ahayn gargaarka caafimaadka, sidaay qabto dawladda Biljimka?

  • Cuntada
  • Dharka
  • Guriyeynta

Sidee u codsataa gargaar caafimaad oo degdeg ah?

Raac tallaabooyinkan:

  1. Booqo xarunta CPAS/OCMW ee degmada aad deggan tahay.
  2. CPAS/OCMW ayaa baari doonaan haddii aadan heysanin sharci degenaansho iyo haddii aad u baahan tahay.
  3. CPAS/OCMW ayaa oggolaan doonta inay daboolaan kharashka gargaarka caafimaadka.
  4. Markaa kadib waxaad u tagi doontaa dhakhtarka ama isbitaalka.
  5. CPAS/OCMW ayaa bixin kharashka caafimaadka.

Waxaad marka koowaad u baahan tahay inaad wargeliso CPAS/OCMW ka hor intaadan raadsan gargaar caafimaad. Haddii tani aysan macquul ahayn, tusaale ahaan haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, isbitaalku wuxuu ka codsan karaa lacagta CPAS/OCMW ayagoo ku matalaya.

 Ma u baahan tahay caawimaad degdeg ah, ama ma ku sugan tahay halis?

Wac lambarka xaaladaha degdegga ah 101 ama 112.