Ilmaha yaryar ee la wehliyo iyo habraaca magangelyada
Waxaad ka xeraysay codsiga magangelyada caalamiga ah (codsiga magangelyada) gudaha Biljimka oo waxaad keensatay carruurtaada. Biljimka wuu tixgelinayaa carruurtaada.
Boggan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan ilmaha aad wehliso. Waa ilmo (ka yar 18 jir) kaasoo la jooga Biljimka waalidkiisa(waalidiintiisa) ama mas'uulka (sharciga ah).
Hal go'aan oo loogu talo galay adiga iyo carruurtaaada
Guud ahaan ilmuhu wuxuu maraa isla habraaca ay maraan waalidiintiisa. Go'aanka ay CGVS/CGRA gaaraan, adiga iyo xubnaha qoyskaaga sidoo kale wuu idin khuseeyaa: xaaskaaga ama ninkaaga, ama sidoo kale carruurtaada.
Ha keenin caruurtaada wareysiga CGRS
Ma heshay casumaada wareysiga ee CGRS? Ha soo wadanin carruurtaada. Inta lagu jiro wareysiga waa inaad dhugmo yeelataa oo aad ka jawaabtaa su'aalo badan. Wareysiga ayaa qaato saacado dhowr ah.
- Hubso in carruurtaada joogi karaan dugsiga
- Weydiiso qoys, saaxiibo ama dad aqoon idinka dhaxeeyso inay kuu sii ogaadaan carruurtaada
- Haddii aad la timaado carruurtaada wareysiga, hal waalid waa inuu la joogaa qolka sugitaanka marka waalidiinta kale la wareysanayo.
Dhageysiga ilmaha
CGRS ayaa ku casuumi karta ilmahaaga. Ilmahaaga waxaa la weydiin karaa in la dhageysto sidoo kale.
Midaan waa wadahadal lala yeelanayo ilmahaaga, ma aha wareysi. CGVS/CGRA ma doonayaan inay hubiyaan sheekadaada iyagoo dhageysanayo ilmahaaga.
Codsiga magangalyadda ilmaha la wehliyo
Ilmaha ayaa sidoo kale codasan karaa ilaalinta caalamiga ah. Haddii ay sidaa tahay, CGVS/CGRA waxay tixgelinayaan sababaha gaarka ah ee ilmahaaga si ay u gaaraan go'aan.
Marka codiga magangalyo doonka, uu soo gudbiyo ilmo yar iyaga oo wakiil iska ah kadib codsigii hore uu waalidkooda uu soo gudbiyo waalidiintooda/masuulyiintooda la diiday, xuquuqda qaabilaada ayaa noqon kartaa mid xadidan.