Dhammaadka sharciga qaxootinimo

CGVS/CGRA ayaa dhammeyn karta sharcigaaga qaxootinimo, tusaale ahaan haddii aad haysatid jinsiyad cusub ama haddii aad tagto waddanka aad ka baqaysid in lagugu cadaadiyo. Haddii aad been-abuur gashay inta lagu jiray baaritaanka, CGVS/CGRA ayaa sidoo kale kaala noqon karto sharciga qaxootinimo.

Joojinta sharcigaaga qaxootinimo

CGVS/CGRA ayaa go'aansan karto inay joojiso sharcigaaga qaxootinimo haddii:

  • Aad si mutadawacnimo ah aad uga codsato badbaadin waddanka aad u dhalatay.
  • Aad si mutadawacnimo ah dib ugu heshay dhalashadii kaa maqneyd.
  • Aad haysato dhalasho cusub.
  • Aad si mutadawacnimo ah u aado si aad ugu noolaato waddanka aad ka cabsanaysay in lagugu caddaadiyo.
  • Xaaladaha horseeday in laguu aqoonsado qaxootinimo ma ahan mid hadda jira, tusaale ahaan, iyadoo ugu wacan tahay isbeddel joogto ah oo ku yimid waddankaaga asalka ah.

Kala laabashada sharcigaaga qaxootinimo

CGVS/CGRA ayaa go'aansan karto inay kaala laabtaan xaaladaada. Midaan waa suurtagal haddii:

  • Aad ka gaysatay dembi waddankaaga asalka ah.
  • Aad bixisay dukumentiyo caddeyn oo been ah inta lagu jiray wareysiga.
  • Habdhaqankaagu muujiyo inaadan ku jirin wax halis dhab ah oo waxyeello daran kaa soo gaarto.
  • Ay ahayd in lagaa horjoogsado magangelyada

Xafiiska socdaalka ayaa weydiin kara CGVS/CGRA inuu kaala noqdo sharcigaaga qaxootinimo haddii

  • Lagugu helay dembi culus oo gaar ah.
  • Aad halis ku tahay ammaanka qaranka

Racfaan ka qaadashada go'aanka CGVS/CGRA

Waxaad ka qaadan kartaa racfaan go'aanka CGVS/CGRA ka dhan ah RvV/CCE. Marka racfaanka socdo, si xoog ah lagaagama masaafurin karo dalka.