Murugada ka dhalata dhibaatooyinka ama xiisadaha

Haddii aadan faraxsaneyn iyadoo ugu wacantahay walaac, muran ama dhibaatooyin ka jira qoyskaaga, waxaa jira adeegyo ku caawin kara. Ka hadal dhibaatooyinkaaga.

Dhibaatooyinka xiriirka kaala dhaxeeyo lamaanahaaga ama carruurtaada

Haddii aad dhibaato ku qabtid carrurtaada ama lammaanahaaga, waxaad la xiriiri kartaa la-taliye ku dhegeysta oo isku daya inuu ku caawiyo. La-taliyaha waxaa ka saaran waajibaad qarsoodinimada xirfadeed: isaga ama iyada ma sheegi doonto macluumaad kasta fasax la'aan.

  • Haddii aad ku nooshahay Flanders ama Brussels, waxaad kala hadli kartaa dhibaatooyinkaaga Centra voor Algemeen Welzijnswerk (CAW) (Xarumaha Shaqada Guud ee Bulshada) ama Centra voor Integrale gezinszorg (CIG) (Xarumaha Daryeelka Qoyska ee Aasaasiga ah).
  • Waxa sidoo kale ka jira adeegyada dadka aaminka ah Wallonia. Shaqaalahaaga bulshada ee ku sugan xarunta qaabilaada, ama gudaha CPAS/OCMW ee degmada, ayaa si dheeraad ah kuu caawin kara.

Dhibaatooyinka dhaqaale ama deynta

Haddii aadqabto dhibaatooyin dhaqaale ama deymo, waxaad la xiriiri kartaa Adeegga dhex-dhexaadinta daynta, kaasoo kaa caawin kara inaad hesho xal. Adeegga dhex-dhexaadinta daynta waxaa laga heli karaa CPAS degmadaada ama magaaladaada.

Rabshadda xiriirka

Rabshada looma dulqaadanayo gudaha Biljimka. Haddii aad tahay dhibane rabshada guriga, waa inaad wargelisaa qof aamin ah ama la-taliye.

  • Haddii aad deggan tahay gudaha xarun qaabilaad, kala hadal dhibaatooyinkaaga shaqaalahaaga bulshada ama qof aamin ah oo ku sugan xarunta.
  • Haddii aadan degganeyn xarunta qaabilaada, waxaad weydiisan kartaa caawimaad CPAS/OCMW ee degmadaada ama CAW ee gobolkaaga. Ama wac lambarka taleefonka bilaashka ah 1712.
  • Waxaad kula hadli kartaa shaqaalahaaga bulshada luuqaddaada adoo adeegsanaya mareegta Access: www.we-access.eu/chat-with-us
Fiidiyoow 'Rabshadaha Xiriirada' (Access)