Dowladda hoose

Dawladda hoose waxay leedahay mas'uuliyado kala duwan: abaabulida dugsiyada iyo daryeelka carruurta, dhisida waddooyinka, ilaalinta jardiinooyinka, ururinta qashinka ... Dawladda hoose, CPAS/OCMW iyo booliska si wadajir u ah maamulka deegaanka.

Deggane Biljimka ahaan, waxaad ka diiwaangashan tahay magaalada ama dawladda hoose aad ku nooshahay.

Mas'uuliyadaha dawladda hoose ama magaalada

Dawladda hoose ama magaalada waxay ka saaran mas'uuliyado kala duwan degganeyaasha. Kuwa ugu muhiimsan waa:

  • abaabulida dugsiyada iyo daryeelka carruurta
  • bixinta taageerada bulshada ee degganeyaasha (CPAS/OCMW)
  • dhisida waddooyinka
  • ururinta qashinka
  • ururinta canshuuraha degmada
  • xaqiijinta amaanka (booliska)
  • diiwaangelinta degganeyaasha degmada
  • bixinta shatiyada gaadiidka iyo ruqsadaha deganaanshaha
  • gabagabeynta guurka
  • diiwaangelinta dhalashada
  • bixinta maktabadaha iyo kaabayaasha isboortiga
  • ilaalinta jardiinooyinka ama kaymaha
     

Hoolka degmada

degmo ama magaalo kasta waxay leedahay hoolka degmada ama magalada. Hoolka degmada wuxuu caadi ahaan ku yaalaa bartamaha degmada. Hoolka dawladda hoose waxaa yaala miiska Xafiiska Arrimaha Bulshada halkaas oo aad ka codsan kartid dukumiintiYADA degenaanshaha Gudaha Biljimka: dukumintiyada degenaanshaha, diiwaangelinta dawladda hoose, bedeleshada cinwaanka, shahaadooyinka dhalashada, shatiga gaari wadista, iwm.

Ma u baahan tahay inaad booqato Xafiiska Arrimaha Bulshada, laakiin kuma hadli kartid miyaa af Holland ama Faransiis wanaagsan? Soo wado xubin qoyska ka mid ah oo qaan-gaar ah ama saaxiib kuu tarjumi kara.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Ma haysaa su'aal ku saabsan dukumeentiga ama ku saabsan joogitaankaaga Biljimka?

  • Booqo ama ballan ka qabso Xafiiska Arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee halka aad ku nooshahay.
  • Degmo ama magaalo kasta waxay leedahay shabakad u gaar ah oo laga helo macluumaad waxtar leh (lambarrada telefoonada, saacadaha shaqada).