Booliska

Booliska wuxuu xaqiijiyaa ammaanka iyo kala-dambeynta gudaha Biljimka. Haddii degganeyaasha u baahdaan caawin, waxay mar walba wici karaan booliska.

Saraakiisha dawladda

Hawlaha booliska

Booliska waxay qabtaan hawlahan soo socda ee muhiimka ah:

  • Xaqiijinta ammaanka iyo xakamaynta gaadiidka
  • Wax ka qabashada iyo ka hortagga dembiga
  • Siinta caawin dadweynaha
  • Xaqiijinta in dhammaan degganeyaasha (Dadka Biljimka ah iyo muwaadiniinta ajaanibta ah) ay ixtiraamaan sharciga

Lambarada gurmadka deg-dega ah

Haddii aad u baahato caawinta booliska oo deg-deg ah, wac lambarka xaalada deg dega ah ee telefoonka bilaashka ah 101.

Miyaad si degdeg ah ugu baahan tahay ambalaaso ama adeegga dab demiska? Wac 112.

  • Miyaad doonaysaa inaad la hadasho booliska ama aad ka warbixiso arrin? Wac booliska ama aad saldhiga booliska ee kuugu dhow. Waxaa ku yaala saldhig boolis degmo kasta.

Ha ka cabsan booliska.

Haddii aad ixtiraamto sharciga, uma baahnid inaad ka cabsato booliska.

  • Saraakiisha booliska marnaba si fudud iska ma kaa xirayaan ama xayirayaan.
  • Waxaad marwalba ugu tagi kartaa wadada si aad u codsato caawimo.
  • Haddii lagu dhacay, dhaawacay ama weeraray, u tag booliska.
  • Saraakiisha boliiska ayaa kaa caawin doona raadraacida dembiilayaasha.