Ka codsashada magangelyo gudaha Biljimka

Dadka imaanaya gudaha Biljimka waxay halkaas ka codsan karaan magangelyo. Codsashada magangelyo waa codsashada badbaadin waayo noloshaada ayaa ku jirta halis gudaha waddankaaga asalka ah.

Biljimka ayaa qiimeyn doona codsigaaga magangelyada caalamiga ah, midaan waxaa loo yaqaan 'habraaca magangelyada caalamiga ah'. Haddii aad magangelyo ka hesho Biljimka, waxaad helaysaa sharciga qaxootinimo oo waxaad degi kartaa gudaha Biljimka. Haddii aadan magangelyo ka helin Biljimka, waa inaad ka tagtaa dalka.

Si loo go'aamiyo in qof loo aqoonsan karo qaxootinimo iyo in kale, Biljimka wuxuu adeegsanayaa Heshiiska Geneva. Hay'adaha dawladeed ee kala duwan waxay qiimeeyaan codsigaaga magangelyada caalamiga ah.

Markaad soo gudbiso codsigaaga magangelyada, waxaad xaq u leedahay gargaar maaleed inta lagu jiro qiimeynta codsigaaga. Gargaarkani wuxuu ka kooban yahay hoy ku yaalo xarunta qaabilaada (sida caadiga ah xarun wadareed).

Codsadeyaasha magangelyada caalamiga ee ku sugan Biljimka ma helaan gargaar dhaqaale.