Iska diiwaangeli soo dhaweynta

Haddii aadan helin goobta soo dhaweynta kadib isdiiwaagelinta xafiiska socdaalka, waxaad iska diiwaangelin kartaa liiska sugitaanka. Inta laga gaarayo mudadas, waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo gargaarka sharciga.

Kadib diigwaangelinta codsigaaga magangelyada caalamiga ah (magangelyada) Xafiiska socdaalka, Fedsail caadi ahaan waxay hubisaa inaad heshay soo dhawaynta iyo in kale.

Goobta soo dhawyn la'aanta awgeeed, Fedasil ma awooddin karto inay baarto  codsigaaga soo dhawaynta ilaa hadhaw. Carruurta, haweenka iyo dadka nugul ayaa mudnaan la siinaya.

Iska diiwaangeli liiska sugutaanka
Ilaa inta laga gaarayo, waxaad iska diiwaangelin kartaa liiska sugitaanka ee soo dhawaynta.

Baarista kadib codsigaaga soo dhawaynta, Fedasil ayaa waxay kala soo xiriri doontaa adiga e-mail marka ay jirto goobta soo dhawaynta ee laga heli karo.

Gargaar caafimaad oo degdeg ah
Ma u baahan tahay gargaarka caafimaadka degdega ah? Booqo Xarunta Refugee Medical Point ee ku xigta dhismaha Xafiiska Socdaalka. Dhakhatiirta, kalkaaliyaasha, iyo dhakhtarka cilmi-nafsiga ee goobta ayaa ka caawin doonaa dhibaatooyinka caafimaadkaaga. 

Refugee Medical Point waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha, laga bilaabo 9.30am ilaa 4pm.

Bixinta kharashaadka
caafimaadka waxaad xaq u leedahay gargaarka caafimaadka ee dhakhtarka.

Dhowr maalmood kahor booqashadaada dhakhtarka, isbitaalka ama farmashiistaha, adiga (ama dhakhtarkaaga) waa inaad u gudbisa codsiga Fedasil adiga oo isticmaalaya foomka kharashaadka caafimaadka

Gargaarka sharciga/qareenka
Waxaad ka raadin kartaa gargaarka sharciga haya'ad ama qareen. Kuwa uu dakhligooda xadidan yahay, gargaarka qareenka waa lacag la'aan. 

Xiriirka Xafiiska gargaarka sharciga (BJB/BAJ) ee gobolkaaga. Waxay kugu qori doonaan qareenka dadweynaha

Hooyi dedeg ah ee n Brussels
Ma ugu baahan tahay si degdeg ah hooy inta aad sugayso goobta soo dhawaynta? Waxaad aadi kartaa mid ah hooy-ga xaaladdaha degdeg ah ee Brussels.

Fedasil Info Point

At the Fedasil Info Point you can ask questions about your procedure, work, training, legal advice. You cannot ask for a reception place there, for this you have to register on the waiting list for reception.

The Fedasil Info Point in Brussels Bordet is open from Monday to Friday, from 9 am to 1 pm.