Internet-ka, WiFi iyo wicitaanada

Si aad u sameyso wicitaan oo aad uga daalacato internet-ka telefoonkaaga casriga ah, waxaad u baahan tahay LAFTA telefoonka. Goobo badan oo ku yaala Biljimka, waxaad ka helaysaa WiFi bilaash ah.

LAFTA telefoonka

Halkee ka soo gadan karaa LAFTA telefoonka?

Waxaad ka soo gadan kartaa LAFTA telefoonka internet-ka, dukaanka bixiyaha ama suuq-weyne ku yaala Biljimka. Si aad u sameyso wicitaano telefoon oo aad uga gasho internet-ka, waxaad dooran kartaa inta u dhexeysa rukumada (dib laga bixiyo) ama Lafta telefoonka (horay laga bixiyo). Rukumashadu, waa inaad bixisaa lacag bil kasta ah. Haddii aadan joojin rukumashada, si toos ah ayaa loo cusbooneysiinayaa.

Bixiyeyaasha ugu waaweyn Biljimka waa Base, Scarlet, Proximus, Telenet, Lycamobile, Orange, iwm.

Haddii aad ka iibsanayso LAFTA telefoonka gudaha Biljimka, onlaynka ama dukaanka, bixiyaha wuxuu kuu sheegi doonaa inaad diiwaangeliso LAFTAADA oo aad tusto caddeynta aqoonsigaaga. Si aad u caddeyso aqoonsigaaga waxaad u baahan tahay dukumeenti aqoonsisax ah, tusaale ahaan shahaadada diwaangelinta (kaarka liimiga ah).  

Halkee ayaan ka heli karaa WiFi bilaash ah?

Gudaha xarunta qaabilaada iyo inta badan xarumaha qaabilaada ee Fedasil, waxaa laga helaa WIFI bilaash ah. Waxaa sidoo kale jirta goob internet taasoo aad ka heli karto internet-ka adigoo isticmaalayo kombuyuutar oo ku taala xarunta qaabilaada.

Goobo tiro badan oo Biljimka ah (maktabadaha, baararka kafeega, makhaayadaha, dukaamada), waxaad ka heli kartaa WiFi, kaasoo aad lu geli karto si bilaash ah.

Inta badan waa inaad ku gashaa baaq, kaasoo lagu soo bandhigo qolka.

WiFi bilaash ah

Rukumashada internet-ka gurigaaga

Haddii aad ku leedahay internet aan fiilo adeegsan guriga, waxaad heli doonta WiFi-ga guriga. Waxaad ku isticmaali kartaa WiFi dhabsaar (laptop), kombuyuutar ama telefoonka casriga ah gudaha gurigaaga.

Xiriirka internet-ka wuxuu joogaa kharash badan. 

Waxaad hal mar siinaysaa bixiyaha lacagta rakibaada, rukumashada waxaad bixinaysaa caddad go'an bil kasta.