Ilmaha yaryar aan lagu wehlin gudaha Biljimka

Miyaad timid Biljimka adigoo ah ilmo yar aan la wehlin? Kaligaa ma tihid. Dad dhawr ah ayaa halkan u joogo inay ku caawiyaan: mas'uulka, qareenka, iyo kormeereyaasha ku sugan xarunta qaabilaada. Waxay kaa caawin doonaan go'aamada ku saabsan mustaqbalkaaga waxayna bixiyaan jawi amaan ah.

Bogagga soo socda, waxaad ka heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caawimaada aad hesho ilmo yar oo aan la wehlin ahaan iyo meesha suurtagalka ah aad ka deggayso gudaha Biljimka.

Waxaa kale oo aan kuu sheegi doonnaa wax dheeraad ah oo ku saabsan xarunta qaabilaada halka aad ku nooshahay, wax ka barato, ka shaqeyso, ku nasato, iwm.

Weli ma qabtaa su'aalo intaas ka bacdi? Weydii su'aalahaaga mas'uulkaaga ama kormeerayaasha jooga xarunta qaabilaada, waxay kuu caawin doonaan si dheeraad ah.

Ma waxaad ku sugan tahay halis? Ka wac booliska lambarka degdega ah: 112 ama 101.