xarun qaabilaad, goob ammaan ah

Haddii aad timaado Biljimka adigoo ilmo yar oo la wehlin ah, dawladda ayaa hubin doona inaad hesho bay'ad ammaan ah. Booliska ama adeegyada magangelyo ayaa ku geyn doona xarun qaabilaad. Xitaa haddii aadan codsan magangelyo, waxaad xaq u leedahay goob ammaan ah aad ku noolaato.

xarunta qaabilaada ee koowaad (joogitaan gaaban)

Ka dib imaanshahaaga gudaha Biljimka, adeegyada magangelyada ama booliska ayaa ku geyn doona xarun qaabilaad oo loogu talagalay qaabilaada hore. Ka dib joogitaanka gaaban (qiyaastii 30 maalmood) waxaad u wareegi doontaa xarun qaabilaad oo kale.

  • xarunta qaabilaada ee koowaad waa goob ammaan ah aad ka heli karto cunto, dhar iyo hoy.
  • Waxaad halkaas kula noolaan ilmo kale oo aan la wehlin.
  • Waa meel nabdoon oo deggan.
  • Koox kormeereyaal ah iyo dhakhtar cilmi nafsi ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan.
  • Waxaad helaysaa mas'uul laguu xilsaaray.

Xitaa haddii aadan ka codsan magangelyo Biljimka, waxaad xaq u leedahay goob ammaan ah aad ku noolaato ilmo yar aan la wehlin ahaan. Ma aha fikrad wanaagsan inaad kaligaa wareegto jidka.

xarunta qaabilaada (joogitaan dheer)

Intaad ku nooshahay xarunta qaabilaada ee koowaad, mas'uulkaaga iyo kormeereyaasha ayaa kuu raadin doona goob soo dhaweyn oo kugu haboon oo aad ku noolaan doonto muddo dheer, inta badan waa xarunta qaabilaada Fedasil.

Waa sidee nolosha xarunta qaabilaada?

  • Waxaad la noolaan koox bulsho yar oo dhalinyaro kale ah
  • Koox kormeereyaal ah ayaa diyaar u ah inay ku caawiyaan
  • Haddii aad ka yar tahay 15 sano jir ama aad si gaar ah u nugushahay, waxaad heli doontaa daryeel iyo hagid dheeraad ah.
  • Waxaad u dhigan dugsiga si joogta ah waxaadna baran luuqadda
  • Waxaad ka qeyb qaadan waxqabadyada iyo isboortiga
  • Mas'uulkaaga ayaa ku soo booqan doona wuxuuna kaa caawin doonaa dugsigaaga iyo habraacaaga magangelyo.

Ma dooran kartid adiga xarunta qaabilaada aad joogeyso Kormeereyaashaada ayaa tixgelin doona xaaladdaada iyo rajooyinkaaga. 

U sheeg kormeereyaashaada waxa aad jeclaan laheyd inaad sameyso marka laga eego dugsiga, nolosha iyo wakhtiga firaaqada aad tahay.

Miyaadan ku faraxsaneyn xarunta qaabilaada?

Ku noolaashaha xarunta qaabilaada ma aha mar walba mid sahlan. Waxaad kula nooshahay dad kale meel yar.  Midaan waxay horseedi kartaa diiqad iyo khilaafaad.

Ma u baahan tahay nasasho ama ma qabtaa dhibaatooyin? Kala hadal kormeerahaaga. Kormeerahaaga ayaa kuu soo jeedin kara in aad Waqti qaadatid. Waad ka tagi xarunta qaabilaada dhowr maalmood si aad u soo nasato. Waxaad heli fursad aad kala hadasho kormeereyaashaada dhibaatooyinkaada.

Muddo intee leeg ayaad joogeysaa xarunta qaabilaada?

Waxaad ku noolaan xarunta qaabilaada (joogitaan dheer) ilaa go'aan laga gaaro codsigaaga magangelyada caalamiga ah.

  • Haddii aad noqoto 18 jir xilligaas, waxaad u wareegi doontaa xarunta qaabilaada dadka waaweyn.
  • Haddii aad heshid go'aan wanaagsan, waxaa laga yaabaa inaad xaq u yeelato caawimaada nolol madax bannaan.
  • Haddii aad hesho go'aan diidmo ah oo aad ka weyn tahay 18 jir, markaa waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada.