Soo dhaweynta qoys ilmo korsada

Ilmo yar oo aan la wehlin ahaan, waxaad aalaaba la nooshahay dhalinyaro kale koox ahaan ama gudaha xarunta qaabilaada. Laakiin waxaa laga yaabaa inaad la noolaan kartid qoys ama qof aad taqaano oo horay ugu noolaa Biljimka, ama qoys reer Biljim ah. Taasi waxaa loo yaqaan soo dhaweynta qoys ilmo korsada

Qoyska ayaa ah goobta ugu muhiimsan ee carruurta ku koraan. Ilmo yar oo aan la wehlin ahaan, waxaad codsan kartaa inaad la noolaato qoys ilmo korsada.

Qoyska ilmaha korsada waa qoys aad si ku-meelgaar ah la noolaan kartid. Hase yeeshee, qoyska ilmaha korsada ayaa xitaa noqon kara qof aad horay kaala dhaxeeyay xiriir, tusaale ahaan eedadaada, adeerkaaga ama walaalkaaga oo horay ugu noolaa Biljimka.

Haddii aad dooneysid inaad la noolaato qoys ama qof inta aad ku noolaan laheyd xarunta qaabilaada, hubso inaad u sheegto mas'uulkaaga iyo kormeereyaashaada. 

Waxay kaa caawin doonaan inaan hesho goob nabdoon oo aad ku noolaato. Raadinta qoys ilmaha korsada ma fududa waxayna mararka qaarkood qaadan kartaa wakhti dheer.

Waa maxay nolosha qoyska ilmaha korsada?

  • Waxaad la noolaaneysaa hal qof ama qoys
  • Waalidka ku korsanayo ayaa mas'uul kaa ah, waxaad u sheegan kartaa dhamaan dhibaatooyinkaaga.
  • Waxaad dhigan kartaa dugsiga waxaadna baran kartaa luuqadda.
  • Waxaad iskula sameynaysaan waxqabdyada si wadajir ah waxaadna sameysan saaxiibo.
  • Mas'uulkaaga wuu ku soo booqanayaa.

La xiriir qoyska aad ka dhalatay.

Haddii aad si ku-meelgaar ah ula nooshahay qoys ilmaha korsada, midaan macnaheedu ma aha inaad xiriirka u jarto waalidka ku dhalay. Waad la xiriireysaa waalidkaaga(waalidiintaada), xitaa haddii aad la nooshahay qoys ilmaha korsada.

Haddii aadan garaneyn halka waalidkaaga ama xubnaha kale qoyskaaga ku sugan yihiin iyo haddii aad rabto inaad hesho, waadlidka(waalidiinta) ku korsanayo iyo mas'uulkaaga(mas'uuliyiintaada) ayaa kaa caawin doona inaad hesho qoyskaaga ama xubnaha kale qoyskaaga.