Carruurta aan la wehlin iyo hab raaca magangaliyada

Waxaad xareysay codsiga magangaliyada caalamiga ah (codsiga magangalyada) ee Belgium oo waxaad la imaatay carruurtaada. Belgium ayaa tixgeliso carruurtaada.

Boggaan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan canuga la wehliyo. Kani waa canug (ka yar 18) ee kula nool Belgium waalaidkooda (waaladiintooda) ama wakiilka (sharciga).

Hal go’aan oo adiga iyo carruurtaada

Guud ahaan canuga ayaa raaco isla hab raaca magangalyada sida waalidkiisa. Go’aanka CGRS (CGRA/CGVS) ay qaado, ayaa ku quseyso sidoo kale sida xubnaha qoyskaaga: xaaskaaga ama saygaaga, iyo sidoo kale carruurtaada.

Ha ula imaanin carruurtaada wareysiga CGRS

Miyaad heshay casuumaad wareysiga ah ee CGRS? Hala imaanin carruurtaada. Inta lagu jiro wareysiga waa inaad diirada saartaa nafsadaada oo ka jawaabtaa su’aalo badan. Wareysiga wuxuu qaataa dhoor saacadood.

  • Hubi inay carruurtaada dugsiga joogi karaan
  • Weydii qoyska, saaxibada ama asxaabaha inay daryeelaan carruurta
  • Haddii aad keentid carruurtaada wareysiga, hal waalid ayaa joogayo qolka sugitaanka iyada oo waaladiinta kale la wareystay.

Dhageysiga canuga

CGRS ayaa casuumi karo canugaaga. Canugaaga ayaa la weydiin karaa in la maqlo sidoo kale.

Kani waa wadasheekeysi canugaaga lala yeelanayo, kani ma ahan wareysi. CGRS ayaa wax u jeedo ah ka laheyn hubinta sheekadaada adiga oo maqlayo canugaaga.

Waaladiinta lama keeni karo inta lagu jiro dhageysiga canuga. Qareen waa inuu joogaa. Qofka aad aaminsantahay, qof xiriir xirfadle la leh canugaaga, ayaa sidoo kale joogi karo.

Codsiga magangalyada ee canuga wehliyo

Canuga ayaa sidoo kale codsan karo magangalyada caalamiga ah. Xaaladaas darteed, CGRS ayaa la tixgeliyaa sababaha gaarka ah ee canuga si go’aan loo gaaro.