Ballanta aad la leedahay Xafiiska Socdaalka

Xafiiska Socdaalka ayaa kugu casumaya (mararka qaarkood dhowr jeer) inay su'aalo ku weydiiyaan.

Maxaa lagu weydiin doonaa inta lagu jiro wareysiga?

Wareysiga aad la leedahay Xafiiska Socdaalka ma soconayo muddo dheer. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad sharraxdo sababaha aad uga codsanayso magangelyada caalamiga ah Biljimka.

Sarkaalka Xafiiska Socdaalka ayaa ku weydiin doona su'aalo oo ku qori doona jawaabahaaga dukumenti. Waxaa ku caawinayo turjumaan, si aad u fahamto su'aalaha lagu weydiiyo. Ugu danbeyntii, sarkaalka Xafiiska Socdaalka wuxuu dib u akhriyaa dukumiintiga wuxuuna kaa codsadaa inaad saxiixdo si aad u calaamadiso heshiiskaaga. Waxaad helaysaa nuqulka dukumentiga.

Maxaa dhacayo wareysiga ka dib?

Xafiiska Socdaalka ayaa hubin doona in Biljimka mas'uul ka yahay wax ka qabashada codsigaaga magangelyada caalamiga ah iyo in kale. Haddii Biljimku mas'uul ka yahay, Xafiiska Socdaalka wuxuu u gudbiyaa kiiskaaga CGVS/CGRA. CGVS/CGRA waxay kugu casumi doonaan wareysi dheer.

Haddii farahaaga nidaamku aqoonsado, midaani waxay macnaheedu tahay in aad ka diiwaangashan tahay waddan kale oo ka tirsan Yurub ka hor inta aad iman Biljimka. Haddii arrinta sidaan tahay, waxaa laguu diri karaa waddankan. Go'aankani wuxuu kuxiran yahay sharciyada Midowga Yurub (EU) (qaanuunka Dublin).